GAAROODI NEWS NETWORK

Charlie Hebdo: Afar iyo toban eedaysane oo weerarkii wargeyska Paris Maxkamad loo soo Taagayo

Dableydu 12 qof ayay weerarkii 2015 ku dileenDableydu 12 qof ayay weerarkii 2015 ku dileen

Afar iyo toban qof ayaa dalka Faransiika maxkamad loogu soo taagayaa weerarkii lagu hoobtay ee majallada Charlie Hebdo lagu qaaday shan sano iyo dheeraad ka hor. Wargeyskaas ayaa sameyn jiray sawirgacmeedyo uu ku sheegay Nabi Maxamed (SCW).

Eedaysanayaasha badankooda waxa maxkamadda lagu soo taagayaa magaalada Paris Arbacada, laakiin saddex eedaysane ayaa iyaga oo maqan dacwadda lagu qaadayaa.

Waxa lagu soo oogay dacwad ah in ay gacan siiyeen mitidiintii Islaamiyiinta ahaa ee 12 qof toogashada ku dilay ee weerarka qaaday xafiiska Charlie Hebdo iyo agagaarkiisa bishii, Jeeniweri 2015.

Nin dabley ah oo saddexaad ayaa gabadh boolis ahayd toogasho ku dilay waxaanu weeraray tukaan Yuhuud leedahay.

Wadar ahaan 17 qof ayaa lagu dilay muddo saddex maalmood gudahood ahayd. Dilalkaas ayaa bilow u ahaa weerarro xidhiidh ahaa oo jihaad aloosku ku qaadeen Faransiiska gudihiisa ayna ku dhinteen in ka badan 250 qof.

Maalmihii weeraradaa ka dambeeyey, ayaa malaayiin qof iskugu soo baxeen wadooyinka Faransiiska iyo dunida iyaga oo ku dhawaaqayey hal ku dhegga ah “Je suis Charlie” (Charlie baan ahay).

Majalladu ayaa dacwadaa dib bilaabmaysa ku muunaynaysaa in ay dib u baahiso sawiradii muranka dhaliyey ee lagu sheegay Nebi Muxammed (NNKH) ee mudaharaadada ka dhaliyey dhawr dal oo Muslin ah.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa difaacay xorriyada hadalka ee warbaahinta iyo ta dadka Faransiiska ee ah “xorriyada ah in la dambaabo taas oo ah arrin xidhiidh la leh xorriyadda damiirka”.

Maxaa la filayaa marka dacwaddu bilaabanto?.

Afar iyo tobanka qof waxay ku eedaysanyihiin in ay gacan ka gaysteen diyaarinta iyo qorshaynka dilalkaas. Dacwadoodu waxay bilaabmaysaa Arbacada ka dib markii dhegaysiga dib loo dhigay, qiyaastii afar bilood oo sabab u ah safmarka fayraska korona.

Bishii Maarij, wuxuu garsooraha dacwadaa u xilsaaran sheegay in xayiraadii Faransiiska lagu soo rogay ay suuro gelin wayday in ay isku yimaadaan “dhamaan dhinacyada ay khusayso dacwadu, markhaatiyada iyo khubarada maadaama oo ay jiraan duruufo cafiimaad”.

Dadkan ku eedaysan in ay gacan ku lahaayeen dilalkaas waxa lagu soo oogay in ay haysteen hub iyo sidoo kale in ay taageero tas-hiilaad ah siiyeen ciddii weerarka ku qaaday xafiiska Charlie Hebdo, bilowgii sannadkii 2015, iyo sidoo kale weerarkii kaa xigay ee lagu qaaday askariyada booliska ah iyo tukaanka Hyper Cacher.

Laakiin saddex eedaysane ayaa la rumaysanyahay in ay u baxsadeen woqooyiga Suuriya iyo Ciraaq oo iyaga oo maqan ayaa dacwadda lagu oogayaa.

Wararka qaarkood ayaa tibaaxaya in saddexdaa nin markii dambe lagu dilay duqayntii lagu hayey kooxda la baxday Dawladda Islaamka laakiin lama xaqiijin.

Waxa dhegaysiga dacwadda ka qayb galaya qiyaastii 200 oo qof oo dhibbanayaal ah iyo dad ka badbaaday weerarkaa oo maxkamada ka hor marag furi doona, sidaana waxa sheegtay idaacadda Faransiiska ee RFI..

Isniintii ayaa dacwad oogaha eedaha aragagixisonimada, Jean-Francois Ricard wuxuu ganafka ku dhuftay hadal hayn ah in kuwii “taageerada yar bixiyey” caddaaladda la hor keenay.

“Arintu waxay khusaysaa shakhsiyaadkii gacanta ka geystay tas-hiilaadkii iyo diyaarintii dhacdadaa. Waa kuwii taageerada maaliyadeed, agabka hawlgalka, hubka iyo hoygaba siiyey” ayuu yidhi isaga oo la hadlaya idaacadda France Info, “dhamaan arimahaasi waa falal argagixisonimo”.

Waxaa la filayaa in ay dacwaddu socoto ilaa bisha Nofember.

Maxaa dhacay 2015?

Todobadii bishii Jeeniweri ee sannadkaa 2015, ayaa laba nin oo dabely Muslimiin Faransiis ah oo walaalo ah oo lagu kala magacaabo Cherif iyo Sacid Kouachi, waxay u xoog ku galeen xafiiska Charlie Hebdo ee ku yaal Rue Nocola-Appert, ka dibna tacsiisharad ku furay shaqaalihii.

Tifaftirihii majallada ee waagaa, Stephane Charbonnier, oo ku magac dheeraa Charb ayaa ka mid ahaa afart qof ee ku caanka ahaa farshaxanka sawir gacmeedka oo dhamaantoood ku jiray dadkii la dilay.

Dableyda waxa kama dambaystii dilay ciidamada nabad gelyada muddo ay is baacsanayeen ka dib. Dadkii ay iyagu laayeen waxa ka mid ahaa sideed weriye, laba askari oo boolis ah, waashmaan iyo qof xafiiska soo booqday.

Weerar kaa xidhiidh la lahaa oo dhacay maalmo ka dib, ayaa nin jihaad aloos ah oo la yidhaa Amedy Coulibaly wuxuu saddex qof oo dadkii macmiilka ahaa ka mid ah iyo qof shaqaale ah ku af-duubtay dukaanka ay Yuhuuddu leeyihiin ee Hyper Cacher oo ku yaal Porte de Vincennes ee magaalada Paris.

Intaanu tukaanka gelin wuxuu markii hore qudha magaalada kaga jaray haweenay askariyad boolis ahayd.

Xoogagga nabadgelyada ayaa kama dambaystii u daatay tukaanka oo dilay ka dibna soo daayey dadkii uu haystay.

Maxaa Charlie Hebdo loo beegsaday?

Majallada xag jirka ah ee todobaadlaha ah waxa aad loogu yaqaanaa in ay dhaliisho maamulka iyo diinta waxaanay muddo dheer abuuri jirtay muran.

Sawir gacmeeyada laga sameeyey Nebi Muxammad (NNKH), ayaa sababay in loo soo diro Charb fariimo hanjabaad dil ah, in kasta oo ilaalo boolis ah oo 24 saacadood ah la siiyey intaan la dilin. Waxa sidoo kale lagu qaaday xafiiska majallada weerar bam baatrool ah sannadkii 2011.

Majallada ayaa sidoo kale loo arkayey in ay ilays u tahay xorriyadda hadalka maadaama dad badan oo difaacayey ay adeegsadeen hashtag-ga #JeSuisCharlie si ay u difaacaan.Stéphane Charbonnier

Charb wuxuu aad u difaacay sawir gacmeedyada laga sameeyey Nebi Muxamed oo uu ku sheegay in ay astaan u yihiin xorriyadda hadalka: “kula yaabi maayo Muslimiinta in ay ku qoslaan sawirradayada,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press sannadkii 2012. “Waxaan ku hoos noolahay sharciga Faransiiska, kuma hoos nooli sharciga Quraanka”.

Salaadadii ayay majalladu waxay mar kale daabacday sawir gacmeedyadii 2015-kii lagu beegsaday. “Had iyo goor waanu iska daynayeyn in aanu baahino sababtuna ma ahayn in la mamnuucay laakiin waxay ahayd in aanaan markaa haynin sabab maan gal ah oo aanu sidaa u yeelno,” ayaa faallo majalladu qortay ay ku tidhi.

Waxaanay intaa ku dartay “in sawir gacmeedyadaa dib loo baahiyo todobaadkan marka ay bilaabmayso dacwaadda weerarradii aragagixiso ee Jeeniweri 2015 muhiim ayay noola muuqatay”.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM