GAAROODI NEWS NETWORK

Biden Oo Booqday Qoyska Ninkii Madowga Ahaa Ee 7-da Xabadood Lagu Tiriyay

Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ah ee Joe Biden ayaa qadka telefoonka kula hadlay Jacob Blake oo ah ninkii madowga ahaa ee ay booliska dhabarka kaga toogteen magaalada Kenosha ee gobolka Wisconsin taas oo horseedday dibadbaxyo ballaaran.

Mr Blake, oo isbitaalka yaala isagoo curyaan ah ayaa Joe Biden u sheegay inuusan marnaba isdhiibii doonin hadii uu marlabaad cagigiisa ku socdo iyo haddii uu toos u curyaamamaba.

Biden ayaa ka hadlayay kulan ka dhacayay kaniisad ku taalla magaalada ay toogashada ka dhacay. Dhanka kale madaxweyne Donald Trump ayaa isna Talaadadii booqday magaalada Kenosha.

Trump ayaa qiimeyn ku sameeyay burburka soo gaaray goobaha ay saameeyeen mudaaharaadyada gilgilgay magaalada Kenosha kaddib toogashadii Jakob Blake oo ay booliska 7 xabadood dhabarka kaga dhufteen..

Hase yeeshee madaxweyne Trump lama uuusan kulmin qoyska Blake waxa uuna sababta ku sheegay iney doonayen in qareennada ay goobjoog ka ahaadaan boqashadiisa. Gobolka Wisconsin ayaa ah gobol aad muhiim ugu ah doorashada madaxtinimada ee Mareykanka.

Trump ayaa dirayay farriimo isdaba joog oo ah in kala dambeynta magaalada la ilaaliyo hase yeeshee Biden ayaa madaxweyne Trump ku eedeeyay inuu sii hurinayo khalalaasaha ku qotoma midabtakoorka iyo kala qeybsanaanta shacabka reer Mareykan.

Barasaabka gobolka Wisconsin Tony Evers ayaa sheegay inuu door-bidi lahaa ineysan gobolka iman, musharax Trump ama musharax Biden.

Sidee ayay u dhacday toogashada Blake?

Taliska booliska magaalada Kenosha ayaa sheegay in “toogashada uu askariga fuliyay” ay dhacday waqti ka dambeeyay 17:00 ee maalintii Axadda. Waxay intaas ku dareen in askariga uu gargaar deg deg ah u sameeyay Mr Blake, durbana loo qaaday isbitaalka deegaanka Milwaukee.

Waxay saraakiishu sheegeen in booliska ay markaas ka falcelinayeen “dhacdo la xidhiidhta qoys” balse wax faahfaahin ah kama aysan bixinin waxa sababay toogashada.

.

Waaxda caddaaladda ee gobolka Wisconsin ayaa hadda baadhitaan ku wadda dhacdada. Waxay mas’uuliyiinteeda sheegeen in askartii falkaas ku lug yeelatay loo diray fasax ku yimid amar dhinaca maamulka ah.

Muuqalaka lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga daawaday saddex askari oo hubkooda ku jeedinaya nin lagu sheegay inuu ahaa Mr Blake xilli uu isaguna markaas kusii socday gaadhi noociisu yahay SUV oo meel u dhow yaallay.

Markii uu albaabkii gaadhiga iska furay uu uu gudaha sii galayay, ayuu askari shaatiga kasoo jiiday rasaasna ku furay. Dhawaaqa ilaa toddoba xabbadood ayaa laga maqlayaa muuqaalka, iyadoo markaasna dad goob joogeyaal ah ay qeylinayeen.

Askartii dhacdadan ku lug lahayd wali magacyadooda lama shaacinin.

Qareen caan ah oo u dooda xuquuqda aadanaha, oo lagu magacaabo Ben Crump, ayaa telefishinka CNN u sheegay in qoyska Mr Blake ay lasoo xidhiidheen kana dalbadeen caawinaad.

Toogashadan ayaa timid xilli ay Mareykanka ka taagan tahay xiisad xasaasi ah oo ka dhalatay cadhada laga muujiyay tacaddiga loo geysto Mareykanka-madow, kaddib dilkii dhowr bilood ka hor loo geystay George Floyd.George Floyd

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM