GAAROODI NEWS NETWORK

Dooro U Daneeyaha Dadweynaha……. Qalinkii Mustafe Cumar

Golaha Deganka Casimada Hargiesa.
Dawladaha Hoose Waa maamulka hoose ee dagmo, magaalo ama caasimad aay leedahay, qaybna ka ah isla dawladda deegaankaas ka jirta. Waana tiro xildhibaano lagu soo doorto doorasho; Dad-waynuhu codaynayaan, taasooy ka soo baxayaan cidda ku matalaysa dawladda hoose ee degmadooda.

Haddaba ka mid noqoshada Xildhibaanada golaha degaanka ama Dawladaha Hoose waa mid ku xidhan Doonista Dad-weynaha Deegaanku Mideeyay, iyagoo soo xulanaya Qofka ku Haboon kaas oo Hanan Kara Xilka uu Ku Matalayo Deegaan doorashadiisa. Sidaan ka warqabno 25 xildhibaan ee laga soo Doortay deeganada kala duwan ee Caasimada Hargeysa waxa dhamaaday mudo Xiloodkoodii la doortay, inaga oo ogsoon kana dharegsan wax-qabadkoodii Mudo Xileedkii ay Xilka Caasimada Hayeen una baahnayn sharaxaad dheeraadaa.!!! Taas oo laga dheehan karo saamaynta aay ku Leeyihiin Bulshada Caasimada Hargeysa ee soo Dooratay.

Mar kale Waxa Dhaw Doraashada Dawladda Hoose taas oo u baahan in Degaanada Dooranaya Xubinta Golaha Deegaanka in ay ka tashadaan kana fiirsadaan Xulista Qofka Ku Matalaya Maamuulka Dawladaha Hoose ee Xildhibannimada, iyada oo aay Tusaale innoogu Filintay Golaha Degaanka ee Hada jooga degmada Caasimada Hargeysa.

Muwaadin ama Codeeye Haddaba Dooro Muwaadin Bulshada la Dareena adiga oo aan Adeegsanayn Qof Jeclaysi ee Adeegsanaya Qof Daljeclaysi leh Lexejeclona ka leh Dalka iyo Dadka Doortay, waxna kuguu Qabta Shillimadka Cashuurta aad Bixiso si aad u Hesho Baahiyaha Aas Aasiga ah ee aad Ka Aradantay Hadda.

Haddaba waxa maalmihii la soo dhaafay bulshaweynta reer Hargaisa ay aad u xusayeen inay soo dhawaynayaan Musharaxnimada Siciid Cabdi-samad Axmed (Siciid Cudhay) oo ah muwaadin Reer Somaliland ah; oo Hargeysa ku Dhashay Waxna ku Bartay lana soo Shaqeeyay Dalalka Aduunka ee Horumaray, iyagoo u balanqaaday inay hiil iyo hooba la garab istaagayan codkana aay siinayaan dhanka kalana waxay ku booriyeen kuna adkeeyeen inuu noqdo Duqa Caasimadda.

Gabagabadii waxaa muuqata inay maanta bulshada reer hargaysa diyaar u tahay inay hesho ehelkeedii taasi oo bulshada inteeda badani dareensatahay inuu la dareenyahay Musharax Siciid Culay.

Qalinkii:- Mustafe Indho:

DOORO U DANEYAHA DAD-WEYNAHA

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM