telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maxamed Xuseen:- Qofkii Ugu Horreeyay Ee ku Guuleysta Aroos Wacan

Guur

Mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday barnaamij bakhtiyaa nasiib ah, oo ay ugu magacdareen aroos wacan.

Tirada dadka ku guuleystay barnaamijkan ayaa gaaraya 12 qof, waxay shirkaddu ka bixin doontaa lacagta meherka, tan arooska iyo biilka lixda bilood ee ugu horreysa.

Maxamed Xuseen oo magaalada Laascaanood ku sugan, oo kamid ah dadka ku guulaystay ayaa BBC-da uga warramay sida uu ku galay barnaamijkan.

” Qaabka aan ku galayay wuxuu ahaa shirkadda waxay soo dirtay farriin, lanbar, aroos wacan baa la gurayaa bey yiraahdeen,marka waan qoray lamabarkii baan u diray, farriin ayay ii soo celiyeen farriintaadi waanu helnay, waxaana helay farriin ah in aan ku guuleystay aroos wacan”

Wuxuu sheegay in uusan ku wargelin gabadhii ay wada shekeysanayeen in uu codsaday bakhtiyahaa nasiibka shirkadda.

“Qofku in uu guuleysanayo iyo in kale ma oga wax aadan ogeyn oo hubinba dee waxbo uma sii diyaarsan kartid”

Maxamed ayaa ka dhawaajiyay in uu ku faraxsan yahay guushan isla markaana uu shirkadda kala tashan doono qorshahiisa ku aadan guurka..

“Aad iyo aad baan u faraxsanahay, wax aniga aan ku guuleysanayo ma ogeyn imikana waxaan wada tashan doonaa shirkadda Telesom marka ay ila soo hadasho”

Maxamed wuxuu ka shanqariyay in haatan aysan diyaar u aheyn gabadh uu guursado, waxaan weydinayay halka u ka keenayo gabadhii uu la aqal geli lahaa maadama uu ku guuleystay barnaamijka sida bilaashka ay shirkaddu u bixineyso kharashaadka arooska, wuxuu yiri “Qofku waxa uu ku guuleysto uu helo dee wuxuu xaq u leeyahay waxyaabo faro badan xitaa walaalkey oo gabadhii diyaar u tahay ku wareejiyo xaq u leeyahay haddey iyagu aqbalaan”

Maansada guurka ragga lacagta leh lagu amaanay

Aragtida ku aadan guushiisa

Haddaba, ehelka iyo asxaabta Maxamed siday u arkaan, guusha uu gaaray?

“Guurka soomaalida uma taqaano wax xun, guurka soomaalidu inta badan wey ku farxaan koley kuwa ka naxa wey jiraan, gabadha aad qabta wey ka naxdaa laakiin ehelka iyo qoyska wey ku farxaan ninka guurkiisa”

Shirkadda ayaa shaacisay magacyada iyo lamabarada dadka ku guuleystay bakhtiyaa nasiibka, haddaba Maxamed muxuu dadku kala kulmay?

“Umadda soomaaliyeed wixii Jamhuuriyadda Somaliland jooga telefoonka wax yar baa ku haray sidii hambalyo loo lahaa, intooda, waa ii hambalyeeynayaan”

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom