telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Muxuu Yahay Ganacsadaha 50-ka Maalmood ku Xidhan Hargeysa?

Cabdimanaan Yusuf Maxamed

Cabdimanaan Yuusuf Maxamed, oo ah maamulaha Warbaahinta Astaan ayaa magaalada Hargeysa lagu xiray 17- bishii Juulaay ee sannadkan.

Maxamed Cabdiwali oo ka tirsan mas’uuliyiinta Astaan ayaa BBC Somali u sheegay: “Innaga markaan ka hadleyno xarigiisa sida uu ku bilowday aad ayay u foolxumeed, nin mas’uul ah oo magaalada wax ku soo kordhiyay.”

Xarigga maamulaha guud ee Astaan TV, Cabdimanaan, waxaa ka hadlay wariyeyaal, iyo dad kale oo siyaasiyiin ay ka mid yihiin.

Waxyaabaha uu ku eedeysan yahay ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacin, balse waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in maxakamad ku taalla Jamhuuriyadda  Somaliland ay “laashay eedaha loo soo jeediyay”.

Waaxda dacwadda ku oogtay Cabdimanaan kama aysan hadlin xariggiisa. Balse waxaa ka hadlay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland.

Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Barkhad Jaamac Batuun, oo bishii Ogost hadlay wuxuu warbaahinta u sheegay:

“Waxaa magaalada Hargeysa wakhti aan sax aheyn lagu xiray milkiilaha Astaan TV waxaa lagu xiray meelaan sax aheyn, wuxuu xirnaa muddo aan sharci ahayn, cidda xirtay sifo sax ah oo sharci ah kumey xirin; maxkamad uu xaq u lahaana waxaa la geeyay wakhti aan sax aheyn,” sidaas waxaa yiri Barqad Jaamac Batuun afhayeenka Xisbiga Waddani.

Mas’uuliyiinta Astaan TV ayaa hadda rajo ka muujinaya in Cabdimanaan uu dib u helo xoriyadiisa maadaama ay maxakamaddu sheegtay in “waxyaabaha lagu eedeyay ay meesha ka saartay”.

Waa kuma Cabdimanaan?

Cabdimanaan Yuusuf Maxamed oo ah ganacsade wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan, horaantii sideetameyadii, isla gobalkaas ayuuna ku soo qaatay waxbarashadiisa hoose ka dibna wuxuu u wareegay magaalada Muqdisho oo waxbarashada sare uu ku qaatay, sidaas waxaa BBC-da u sheegay madaxa dhanka wax soo saarka ee Astaan TV Maxamed Cabdiwali, oo in muddo ah ay isla shaqeynayeen.

Intaas ka dib magaalo xeebeedka bariga dalka Sudan ee Port-Sudan ayuu jaamacad u aaday. Wuxuu jaamacadda dhameeyay sannadkii 2005-tii.

Ka dib markii Jaamacadda uu dhameeyay wuxuu ku laabtay Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, isaga oo la shaqa bilaabay wasaaradda biyaha ee deegaanka, wuxuuna shaqadaas ku jiray tan iyo sannadkii 2008-dii.Qaar ka mid ah shaqaalaha Astaan ayaa dalbaday in xuriyaddiisa loo soo celiyo

Sannadkii 2009-kii ayuu Cabdimanaan tagay dalka Kenya oo uu ka aas-aasay shirkada dhanka warbaahinta ah oo la yiraahdo HornConnect, oo sannadkii 2011-kii ka howlgashay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, isaga ayaana maamule ka ahaa tan iyo sannadkii 2014-kii.

Shirkadda HornConnect ayaa aheyd shirkad la shaqeysa warbaahinta dibadda oo muuqaallo iyo waxyaabo kale u duubta warbaahinta.

Siduu ku bilaabay Shirkadda Astaan TV?

Ganacasde Cabdimanaan wuxuu isla sannadkii 2014-kii ku biiray shirkad la oran jiray Access TV oo magaalada Muqdisho ka shaqeyn jirtay taas oo sannadkii 2017-kii isbedal lagu sameyay loona rogey Astaan·

 

Astaan waa warbaahin maxali ah, waxaana ay leedahay kanaallo dhowr ah oo laga baahiyay barnaamijyo kala duwan oo aan siyaasad ku jirin.

Sida uu ku sheegay waraysiga BBC-da madaxa dhanka wax soo saarka ee Astaan TV, Maxamed Cabdiwali, kanaallada waa sideed, waxaana ka baxa barnaamjiyo kala duwan sida:

  • Ciyaaraha – Kanaal gaar ah oo laga baahiyo ciyaaraha
  • Arrimaha diinta – Qeyb si gaar ah looga daawado arrimaha diinta
  • Barnaamijyada carruuta
  • Muusiga – Kanaal laga daawado heesaha iyo fanka
  • Filimaanta – Kanaallo laga kala daawado aflaanta Bollywood, Hollywood iyo kuwa kale oo ay Astaan turjuntay
  • Riwaayadaha
  • Arrimaha caafimaadka
  • Waxbrashada

“Waxaan wax la taaban karo ka qabanay Muusiga Soomaalida. Markaad hadda eegto baraha bulshada, waxa ugu badan ee fanka ku saabsan oo sannadkaan Soomaaliya laga sameyay, Astaan ayaa sameysay, marka wax la taaban karo ayaan howlahaas ka qabnay”, ayuu yiri Maxamed Cabdiweli.

Wuxuu intaa ku daray: “Guud ahaan hadda qaabka aan u shaqeyno inkastoo ay gudaha tahay haddana waxaan ku rajo weynahay in aan gaarsiino meel walba oo ay Soomaali joogto.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in Cabdimanaan uu horumar ka gaaray hadafkiisa warbaahinta Astaan oo hadda xarumo ku leh magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Magaalada Beledweyne oo hadda si kooban ay uga howlgalaan.

Sidoo kale madaxa dhanka wax soo saarka ee Astaan TV, ayaa sheegay in Cabdimanaan Yuusuf Maxamed oo ah maamulaha Astaan uu shaqo abuur u sameeyay dhalinyaro tiro ahaan ka badan afar boqol (400), kuwaas oo ka howlgala qaybaha kala duwan ee barnaamijyada ka baxa laamaha TV-ga Astaan.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom