GAAROODI NEWS NETWORK

Maxay Tahay Sababta ay Gedo Xudunta ugu Noqotay Shirarka Muqdisho?

Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo (SAWIR HORE)

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo ku sugan Muqdisho ayaa shir la yeelanaya siyaasiyiin kala duwan iyo madaxda dowladda Federaalka.

Ujeedada waxay tahay sidii ay mowqif mideysan uga gaadhi lahaayeen arrimaha doorashada ee uu muranka xooggan ka taagan yahay. Laakiin waxaa jira waxyaabo si gaar ah farta loogu fiiqayo in ay mar walba xoojin karaan khilaafka.

Horay waxaa magaalada Dhuusamareeb heshiis ugu gaadhay Madaxweynaha federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda saddexda maamul ee kala ah Gal-mudug, Hir-shabeelle, Koonfur-Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Hoggaamiyeyaasha labada maamul ee shirkaas ku gacan seyray, Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

Xalay waxaa baaqday kulan gaar ah oo madaxdaas iyo madaxweyne Farmaajo lagu waday inuu uga furmo xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.Horay ayey Madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ugu heshiiyeen magaalada Dhuusamareeb

Mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee saldhigga u ah ismaan-dhaafka hadheeyay shirka Dhuusamareeb ayaa lagu tilmaamay go’aankii meesha looga saaray xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Xasan Cali Kheyre, taas oo la soo billaabatay markii hore hannaanka bilawgii wadatashi ee shirkan.

Baarlamaanka federaalka ayaa codka kalsoonida kala noqday xukuumadda, islamarkii uu soo dhammaaday shirkii labaad ee ka qabsoomay Magaalada Dhuusamareeb. Labada Maamul ee Puntland iyo Jubbaland ayaa laba warsaxaafedeed oo ay hore u soo saareen labadooduba ku caddeeyey mawqifkooda walaac ee arrintaas.

Gedo

Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xudun u noqday khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayaan in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

Degmada Baladxaawo oo ay horay ugu dagaallameen ciidan ay dowladda federaalka halkaasi geysay iyo ciidanka Jubbaland ayaa weli ka mid ah meelaha ay Jubbaland dalbanayso in ciidanka la geeyay laga saaro.

Degmaaoyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka, waxaana muuqata in arrinytani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.

Amuurta kale ee iyana xusida mudan ayaa ah in maamulidda gobolka Gedo ay saamayn ku yeelan karto doorashada soo socota iyo meelaha kuraasta qaar laga soo dooran doono. Labada dhinac ee kala ah Jubbaland iyo Dowladda Federaalka waxa ay u arkaan in gobolkaasi uu miisaan siyaasadeed leeyahay, marka laga hadlo kuraasta baarlamaanka ee gobolkaasi kasoo baxaysa.

Haddii sida Dhuusamareeb lagu heshiiyey ay noqoto arrinta, oo la badiyo magaalooyinka xildhibaanada laga soo dooranayo, waxaa suuragal ah in hal ama labo magaalo la geeyo kuraasta qaar, taasoo labada qoloba ay ku dadaalayaan inay ol’ole u galaan sidii ay ku heli lahaayeen xildhibaanno ay iyagu wataan.

Hardanka xildhibaannada kasoo jeeda GedoMadaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku sugan Muqdisho

Waxaa jirta iyana in xildhibaannada qaar ee Gedo kasoo jeeda ee hadda ku jira baarlamaanka ay dhinacooda dadaal ugu jirraan sidii ay u heli lahaayeen taageeradooda siyaasadeed. Kuwaas laftoodu waxay qeyb ka yihiin hardanka hadda taagan.

Jubbaland waxay beesha caalamka u sheegaysaa in Dowlada Federaalka ay faraha la gashay deegaano siyaasad ahaan iyo juqraafi ahaanba Jubbaland hoostaga.

Afyare Cilmi oo arrimaha Soomaaliya ka faallooday ayaa aaminsan in hadda marxaladda la taagan yahay ay mudan tahay oo kaliya inaan waqti kale lasii habsaamin.

“Wada hadallada loo ballansan yahay ee ay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay Xamar u joogaan waxay ku saabsan yihiin doorashada 2020, waxayna la xidhiidhaan kuwii ka horreeyey ee ka dhacay Dhuusamarreeb. Waxaa ila quman in hore loo galo oo aan waqti kale la lumin. Haddii ay doodo kale jiraan marka wada-hadalku furmo ayaa miiska la keeni karaa.” Ayuu yidhi.

Balse weli waxaa taagan su’aalo la iska weydiinayo in xitaa haddii dowlada dhexe ay ogolaato inay Baladxaawo ka qaado ciidankeeda, qaabka mar kale la isigu waafiqi karo in maamullo cusub loo sameeyo Gobolka Gedo.

Janan.

Arrinka ku saabsan Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale qeyb ka ah hardanka Gedo ka jirra.

Cabdirashiid waxuu magaalada Baladxaawo dagaal kula galay ciidanka dowlada ee hadda magaalada maamula, waxuuna horay u ahaa mas’uulka Jubbaland u qaabilsan siyaasad ahaan Gobolka Gedo oo dhan.

Dagaalkaas ka hor, Janan waxaa sanadkii lasoo dhaafay xabsiga dhigay ciidanka dowladda federaalka, hase yeeshee markii dambe wuxuu ka baxsaday gacanta dowladda.

Muran xoog leh ayaa labada dhinac ku dhex maray xiisadda ka dhalatay Cabdirashiid, oo xukuumadda federaalka ay ku eedeysay inuu geystay tacaddiyo, inkastoo isaga iyo maamulkiisa Jubbaland ay beeniyeen eedeymahaas

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM