GAAROODI NEWS NETWORK

Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre Oo Bogaadiyay Heestii Sharma Boy

Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre oo bogaadiyay heestii Sharma Boy

Cabdullaahi Goodax Barre

Wasiirka Waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa boggiisa barta Facebook soo dhigay fariin uu ku bogaadinayo dhalinyaro soo qaaday hees aad looga hadal hayay baraha bulshada.

Wasiirka ayaa heesta ku tilmaamay mid xikmadaysan.

“Waxaan dhageystay heestan xikmadda badan xambaarsan oo ay dhallintu hibadooda kusoo bandhigayaan dareenka maskaxdooda ka guuxaya. Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulshada, waxay qeyb ka yihiin dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada. Waxaan u baahannahay in aan u jiheysanno dhanka wacyigelinta iyo dhiirragelinta ubadkeena.”

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM