telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Sanadka cusub ee Itoobiya: Abiy Axmed oo ka qosliyay dadka

Sanadka cusub ee Itoobiya: Abiy Axmed oo ka qosliyay dadka

Itoobiya

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay Sanadka Cusub ee Itoobiya, ayaa muuqaal laga duubay Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa la arkayay isagoo ku lebisan dharka booliska taraafikada, isla markaana bixinaya kaararka sanadka cusub.

Dadka Itoobiya ayaa faallo ka bixiyay muuqaalkaas oo raadiyaha dowladda ee Fana uu ku soo wadaagay barta Facebook.

Waxaa la arki karaa isagoo qoslaya isla markaana la kaftamaya darawallada oo yaabban, isagoo ku sugan meel mashquul ah oo ka tirsan caasimadda Addis Ababa.

Dadka qaar ayaa cambaareeyay muuqaalkaas, iyagoo sheegay in Abiy looga fadhiyo inuu muhiimadda siiyo arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, balse dad badan oo barta Facebook isticmaala ayaa la dhacsanaa in ra`iisal wasaaruhu uu awooday inuu la qoslo dadka

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom