GAAROODI NEWS NETWORK

Kooxda Taliban “Afqanistaan waa in lagu xukumaa Diinta Islaamka”

Taliban waxay halkaasi u direen dhow xubnood

Dowladda Afqanistaan ayaa ku baaqday in xabad joojin bina’aadanimo oo lala gaaro kooxda Taliban.

Baaqan ayaa laga jeediyay wadahadaladii nabadeed ee ugu horeeyay ay labada dhinac ku yeeshaan dalka Qadar.

Cabdullah Cabdullah, oo hogaaminaya ergada dowladda ayaa carabka ku adkeeyay in aysan jirin “cid ku guuleysanaysa dagaalka”.

Kooxda Taliban ma ayasn xusin wax heshiis, balse waxay ku celceliyeen in Afqanistan lagu xukumo Diinta Islamka.

Mareykanka ayaa dhankiisa ku booriyay labada dhinac inay heshiis gaaran: “caalamka oo dhan waxay doonayaan in aad guuleysataan “.

Dalka Afqaanistaan ayaa waxaa muddo 40 sano ah ka socday dagaalo islamarkana waxaa ku dhintay tobonnaan kun oo qof oo rayid ah.

Wadahadaladani ayaa bilaabmay shalay maalin uun ka dib marki la xusay sanad guuradii ka soo wareegtay weerarkii Al-Qacida ay ku qaadeen daarihii mataanaha ahaa 9/11 2001.

Weerarkaasi waxaa uu sabab u noqday in Mareykanka ay duullaan ku qaadaan dalka Afqanistaan.

Hogaamiya ku xigeenka Taliban Mullah Cabdul Ghani Baradar Baradar, ayaa dhankiisa sheegay in kooxda ay doonayso in dalka lagu xukumo “nidaamka diinta Islaamka”

“Afqanistaan waa in ay yeelataa nidaam islaami ah oo dhammaan qabiilada ay iska dhex arkayaan iyada oo la kala soocin ayna si walaalnimo ah u wada noolaadaan.”ayaa intaa ku daray Mullah Cabdul.

Maxay wadahadaladani muhiim u yihiin?

Waa wadaxaajoodkii ugu horeeyay ee ay yeeshaan wakiilo ka kala socda Taliban iyo dowladda Afqanistaan.

Kooxda Taliban ayaa hadda wixii ka horeeyay waxay diidi jireen inay la hadlaan dowladda Afqanistaan oo ku tilmaami jireen in ay”dabadhilif u yihiin” Mareykanka.

Dagaalada ayaa wali ka socda dalka Afqanistaan waxa ayna dowladda dalkaasi sheegtay in tan iyo bishii February dalkaasi lagu dilay 12,000 oo qof oo rayid ah.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM