GAAROODI NEWS NETWORK

Barasaabka Ismaamulka Garissa oo damaanad lagu sii daayay

Barasaabka Ismaamulka Garissa oo damaanad lagu sii daayayCali Bunow Qorane

Barasaabka Ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya Cali Bunow Qorane iyo afar kale oo ka tirsan xafiiskiisa oo saakay la soo taagay Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa lagu soo oogay eedeymo musuqmaasuq ah.

Waxay beeniyeen inay musuqmaasuq kula kaceen lacag gaareysa Sh233 milyan oo ahayd mashruuc uu bixiyay Bankiga Adduunka.

Cali Bunow waxaa lala xiray madaxa dhaqaalaha Ismaamulkaas Ibrahim Nuur Malow, madaxa maaliyadda Maxamed Axmed Cabdullaahi, sarkaal ka tirsan dowladda hoose Cabdi Shaale iyo madaxa xisaabaadka dowladda hoose Axmed Cabdullaahi.

Waxaa lagu eedeeyay inay dembiyadaas galeen intii u dhaxaysay 25-kii February iyo 30-kii September, 2019.

Maxkamadda ayaa Cali Bunow ku sii deysay damaanad dhan Sh5m, waxaana laga mamnuucay inuu tago xafiiska Ismaamulka Garissa.

Guddiga Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa shalay soo xiray Barasaabka Ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane iyo afarta kale ee xafiiskiisa ka tirsan waxayna xalay ku baryeen xarunta Integrity Centre, kahor intaan saakay maxkamadda la soo taagin

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM