GAAROODI NEWS NETWORK

Yoshihide Suga: Sida Binkan Beeraleyga Ah Uu Ra’iisul Wasaare Uga Noqonkaro Japan

Yoshihide SugaYoshihide Suga oo ka hadlaya shir jaraa’id

Waxaa 1948 dhalay qoys beeralay ah oo tabcada miraha strawberry-ga, Yoshihide Suga, ayaa dallacaaddiisa waxa ay aheyd mid isu dheeli-tiran oo ka soocaysa xulka siyaasadda ee mudada dheer garwadeenka ka ahaa siyaasadda Japan.

Safarkiisa siyaasadda waxa uu soo bilowday markii uu ka shaqeeyay olole doorasho baarlamaan waxyar uun kaddib markii uu ka qalinjabiyay Jaamacadda Hosei ee Tokyo.

Markii dambe waxa uu xoghayn u noqday xildhibaan ka tirsan Xisbiga Liberal Democratic Party (LDP), ka hor inta uusan u dhaqaaqin xirfaddiisa siyaasadeed.

Waxaa 1987 loo doortay inuu xubin ka noqdo Golaha Magaalada Yokohama, 1996-diina waxaa markii ugu horraysay loo doortay golaha Cunnada ee Japan.

2005, Ra’iisul Wasaare Junichiro Koizumi ayaa waxa uu ka dhigay wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo warbaahinta.

Sanadkii xigay, markii Mr Koizumi uu xilka ku wareejiyay Shinzo Abe, ayaa Suga waxaa loo dallacsiiyay inuu wasiir ka noqdo saddex wasaaradood, xilkaas oo uu hayay illaa 2007.

Xiriirka kala dhaxeeyay Mr Abe ayaa sii scodai markii markii dambe uu xilka ra’iisul wasaaraha ku soo laabtay 2012, markaas oo uu magacaabay xilka awoodda badan ee Xoghayaha Golaha Wasiirrada.

Siddeedii sanadood ee la soo dhaafay, “gacanta midig” ee Mr Abe ayaa saaxadda saarnaa oo waxa uu maalintiiba laba jeer warbaahinta siin jiray xogta dalka waxa uuna magac ku sameeyay maamulidda hannaanka maamul ee culus ee dalka Japan.Yoshihide Suga

Maadaama uu ahaa wajiga maamulka, waxaa mas’uul looga dhigay inuu daahfuro boqortooyada cusub sanadkii 2019, markaas oo uu xaqiijiyay in Boqor Akihito uu xilka ka degayo.

Maamulka cusub ee uu hogaamin doono Boqor Naruhito ayaa waxaa loogu yeeri doonaa Reiwa – taas oo macnaheedu yahay “Is-afgaradka wanaagsa” – ayuu Mr Suga ku dhawaaqay, arrintaas oo horseedday in loo bixiyo naanaysta ah “Adeer Reiwa”.

Markii Shinzo Abe uu 28 Agoosto sanadkan ku dhawaaqay inuu xilka bannaynayo caafimaadkiisa oo aan wanaagsanayn awadeed, ayaa waxaa si wayn loo filayay in Mr Suga uu horkici doono tartanka loogu jiro xilkaas uu ka degayo Abe.

Markii uu rasmiyan ugu dhawaaqay musharraxnimadiisa 2-dii Sibteembar, dhinacyada xisbiga ayaa waxa ay markiiba taageero u muujiyeen Xoghayaha Golaha Wasiirrada Japan ee ugu mudada dheeraa.

Iyadoo taageeradaas uu haysto, ayuu Mr Suga waxa uu taariikh sameeyay 14-kii Sibteembar markii uu noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee Xisbiga LDP kaas oo aanan ka tirsanayn qaybaha xisbiga ama qoysaska siyaasadda lagu yaqaanay, taas oo dhabbaha u xaaraysa u caleema-saarkiisa rasmiga ah ee xilka ra’iisul wasaaraha.

Isagoo badeli doona Mr Abe, hogaamiyihii ugu mudada dheeraa ee Japan, ayuu Yoshihide Suga waxa uu sii wadi doonaa siyaasaddii deganaanta ee ninka uu badelayo.

Markii uu ku dhawaaqay inuu doonayo inuu hogaamiyo xisbiga LDP, ayuu sheegay inuu sii wadi doono siyaasaddii dhaqaalaha ee Mr Abe ee ku dhisan dabcinta lacagta, dhiirigelinta dhaqaalaha iyo isbadel nidaamsan oo la sameeyo.

Sidoo kale waxa uu danaynayaa inuu dib u eego dastuurkii dalkaas Japan loo sameeyay wixii ka dambeeyay dhammaadkii dagaalka si uu sharci uga dhigo Ciidammada Is-difaaca dalkaas, arrintaas oo muhiim u aheyd ajandihii Mr Abe.

Xiligan la jog, sikastaba xaalku ha ahaadee, muhiimaddiisa ayaa ah sidii uu wax uga qaban lahaa cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo dhaqaalaha sii hallaabaya.

Mr Suga ayaa qorshaynaya inuu sii kordhiyo baaritaanka iyo inuu soo saaro tallaal ku filan dalka wixii loo gaaro 2021. Sidoo kale waxa uu doonayaa inuu soo kobciyo dhaqaalaha gobolka isagoo sare u qaadaya mushaarka, dhiirigelinayana isbadel lagu sameeyo beeraha iyo in la kobciyo dalxiiska.

Markii la fiiriyo dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda, waxa uu xoogga saari doonaa xulafaysiga mudada dheer soo socday ee ka dhaxeeya Japan iyo Mareykanka iyo inuu sii wado “hannaanka Indo-Pacific oo ah mid furan oo xor ah”, halka sidoo kale uu ku hammiyayo inuu xiriir deggan oo wanaagsan uu la yeesho waddanka Shiinaha.

Mr Suga ayaa sidoo kale waxa uu danaynayaa inuu sii wado dedaallada xalka loogaga gaarayo afduubkii muwaadiniinta Japan ay Kuuriyada Waqooyi u gaysatay sanadihii 1970-meeyadii iyo 1980-yadii, taas oo ay ka mid tahay inuu doonayo inuu baadigoobo sidii uu ula shiri lahaa Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyadoo uusan wax shuruud ah ku xirayn

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM