GAAROODI NEWS NETWORK

Giriigga oo qaxootigii ku jiray xeradii gubatay u wareejiyay meel kale

Giriigga oo qaxootigii ku jiray xeradii gubatay u wareejiyay meel kale

Moria

Booliiska jasiiradda Giriigga ku taalla ee Lesbos ayaa kumannaan muhaajiriin iyo qaxooti ku jiray xeradii Moria ee gubatay u rartay meel kale.

Toddobaatan haween saraakiil ah ayaa loo xil saaray in haweenka iyo carruurta ay geeyaan xerada Kara Tepe.

Arbacadii la soo dhaafay afar qof oo magangalyo doon ah oo u dhashay Afghanistan ayaa lagu eedeeyay inay xerada gubeen.

Sarkaal dowladda u hadlay ayaa sheegay in 1,800 oo qof loo wareejiyay xerada Kara Tepe.

Balse muhaajiriin badan iyo qaxooti ayaa ka cago jiidaya inay sii joogaan Lesbos, maadaama Moria ay ahayd mid buux dhaaftay. Waxay rajeynayaan in la geeyo meelo ka tirsan Yurub, gaar ahaanna Jarmalka.

In ka badan 12,000 oo qof ayaa ka qaxay dabka Moria, iyagoo kaddibna wajahay xaalado cunto yaraan, biyo yaraan iyo hoy la`aan.

Muhaajiriinta ayaa laga baaray coronavirus kahor inta aan la geyn Kara Tepe.

Dad ka soo jeeda ilaa 70 dal ayaa ku jiray xerada Moria, kuwaas oo badankood ka soo jeeday Afghanistan.

Dowladda Jarmalka ayaa oggolaatay in 1,553 oo muhaajiriin ah ay ka qaaddo xerada Moria.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM