GAAROODI NEWS NETWORK

Sidii loo Mideeyey Gobollada Xijaas iyo Najd Ee Boqortooyada Sucuudigu Ku Dhalatay

Boqor Cabdicasiis Aal Sucuud, ninkii aasaasay boqortooyada Sucuudiga ee haatanBoqor Cabdicasiis Aal Sucuud, ninkii aasaasay boqortooyada Sucuudiga ee haatan

Sannadkii 2005 ayaa boqorkii geeriyooday ee Sucuudiga, Boqor Cabdallah Bin Cabdicasiis, u asteeyey 23 bisha Sebtember in ay noqoto maalinta qaranimada Boqortooyada Sucuudiga, waana maalin fasax ah. Hadaba maxaa maalintaa lagu doortay?

Sida ku taal Encylopedia Britanica, oo ah buugaag iyo shabakad lagu kaydiyo macluumaadka, taariikhda Sucuudigu waxay si rasmi ah uga soo bilaabantaa 23 Sebtember 1932, waagaas oo qaraar boqortooyo oo rasmi ah lagu mideeyey gobolladii Xijaas iyo Najd iyo dhulalkii kale ee ay xukumi jireen oo magaca rasmiga ah ee dalka laga dhigay Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Waxaanay xogtaasi inaa ku daraysaa in ujeedada ugu weyn ee tallaabadaa loo qaaday ahayd in la adkeeyo midnimada boqortooyada oo meesha laga saaro suurto galnimada gobolkii Xijaas gaar isugu taagi kari lahaa, sidoo kale magaca rasmiga ah ee dalka loo bixiyeyna waxa uu si buuxda u muujinayaa doorka udub dhexaadka ah ee qoyska reer boqor ku lahaayeen asaaska dawladda.

Saddexdii marxaladood ee boqortooyadu soo martay

Sannadkii 1932 ka hor boqortooyadu waxay soo martay geedi dheer oo taariikheed iyo marxalado dhawr ah.

Maxamed Bin Sucuud ayaa markii ugu horraysay dawladda Sucuudiga ka aasaasay Imaaraddii la odhan Darciya sannadkii 1744 markaas oo uu isbahaysi la galay Maxamed Bin Cabdiwahaab, waxaanay reer Sucuud ku guulaysteen in ay mideeyaan gobolkii Najd dagaallo qadhaadh oo muddo socday ka dib.

Arintaasi waxay waagaa ka cadhaysiisay Dawladdii Cismaaniyiinta oo isku dayday in ay baabiiso dawladii ugu horaysay ee Sucuudiga iyada oo amar ku siisay Maxamed Cali Baashaa, badhasaabkeedii Masar ee waagaa inuu gacan bira ku qabto. Wuu ku guulaystay oo wuxuu sannadkii 1818 tirtiray Imaaraddii waagaa la yagleelay.

Dawladdii ku xigtay taas ee Sucuudigu waxay ahayd Imaaraddii la odhan jiray Najd oo uu xukumayey Turki Bin Cabdallah Bin Maxamed Bin Sucuud oo ay Masaaridu ciidamadiisii gacanta ku dhigeen sannadkii 1824. Hase yeeshee dawladdaasi waxay jirtay kolba taagi meel ay dhigtaba ilaa sannadkii 1891, markaas oo ay baabiiyeen qolo la odhan jiray Aal Rashiid, waxaanay reer Sucuud u qaxeen Kuwait.Khariidadda Sucuudiga

Hadana mar kale ayaa Cabdicasiis Aal Sucuud wuxu aasaasay dawladdii saddexaad ee Sucuudiga sannadkii 1902, waxaanay waagaa ay ahayd Saldanadda Najd ka dibna way fidday oo waxay noqotay boqortooyada Xijaas, Najad iyo dhulka ku hareeraysan ilaa markii dambe magacii dawladdu noqday Boqortooyada Sucuudi Caraba markii dhulka ay haatan ka kooban tahay oo dhan xukun keli ahi gacanta ku qabtay, waxaanay taariikhdu markaa ahayd 1932.

Sidaas ayuu hadba heer u taagnaa magaca dawladdaasi oo la odhan jiray Imaaradda Najd iyo Ixsaa ilaa sannadkii 1921 ka diban Saldanadda Najd ilaa sannadiii 1922, hadana wuxuu isku bedelay Saldanadda Najd iyo dhulka ku gedaaman sannadkii 1926, hadana wuxuu isku bedelay Saldanadda Xijaas, Najd iyo dhulka ku hareeraysan, ilaa kama damaystii sannadkii 1923 lagu dhawaaqay dhismaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Sidoo kale waxa isna heerar kala duwan soo maray magaca rasmiga ah ee ninkii aasaasay ee Cabdicasiis Aal Sucuud oo mar ahaa Amiir, hadana Suldaan noqday markii dambena Boqor. Waxa kale oo jiray magacyo kale oo lagu sheegi jiray oo ay ka mid ahayeen Napoleon-kii Carbeed, Boqor Sulaymaankii cusbaa.

Boqorkii koobaad

Cabdicasiis Aal Sucuud wuxuu ku dhashay Riyaad Jeeniweri 1876 iyada oo qoyskoodu halkaa ka taliyo. Hase yeeshee waxa markii dambe jabiyey reer Aal Rashiid oo xukumi jiray magaalada Xaa’il oo ay isku hayeen gobolka Najd, waxanay qoyskoodu halkaa ka qaxeen isaga oo toban jir ah.

Buugga la yidhaa “Ummatun Fii Rajul” ee uu qoray Cabdallah Bin Cabdilmuxsin Al-Turki, ayuu kaga waramayaa in waayahay boqorku ka bilaabmayo markii isaga oo ciidan yar wataa ka soo baxay Kuwait oo qiyaastii ahaa 60 nin oo tolkii iyo taageerayaal isugu jiray. Wuxuu duullaan ku qaaday Riyaad oo uu ku guulaystay inuu qabsado ka dibna dadkii deegaanka ayaa halkaa heshiis kula galay 15 Jeeniweri 1902.

Hadana bishii Sebtember 1904 ayuu ku jabiyey Cabdicasiis ciidamadii reer Aal Rashiid dagaalkii caanka noqday ee Al-Shanaanna oo wuxuu gacanta ku dhigay Qasiim waxaanu maamulkiisii ku fiday gobolka Najd badankiisa.

Sannadkii 1913 ayuu aasaasay dhaqdhaqaaqii “Ikhwaanu Man Addaacallaaha” kuwaas oo caqiidadoodu ku salaysnayd Wahaabiyada oo degdeg u xoogaystay taageero weyn na u noqday reer Aal Sucuud.

Ururkaa wax ka mid noqday qabaa’ilkii reer guuraaga ahaa oo ku biiray oo degay gobolladii ay qabsadeen ciidamadii Cabdicasiis waxaanay ka mid noqdeen ciidankiisii, hase yeeshee kama dambaystii ayay isa seegeen Cabdicasiis iyo ururkii Ikhwaan ku.

Gobollada Ixsaa, Casiir iyo Xijaas

Sannadkii 1913 ayaa ciidamadii Cabdicasiis u ruqaansadeen dhanka Ixsaa waxaanay ku guulaysteen in ay ka qabsadaan Cismaaniyiintii. Hadana sannadkii 1921 ayaa guluf uu hogaaminayo Amiir Faysal Bin Cabdicasiis gacanta ku dhigay gobolka Casiir.

Bishii Sebtember 1921 ayuu qabsaday magaalada Xaa’il oo ahayd halkii ugu dambeysay ee ay xukumayeen reer Aal Rashiid, waxaanu si buuxda maamulkiisi ugu fidiyey gobolka Najd oo dhan. Isla sannadkaa ayuu Cabdicasiis qaatay magaca ah Suldaanka Najd.Heerarka magaca Cabdicasiis soo maray waxay ahaayeen Amiir, Suldaan, Boqor

Dhanka gobolka Xijaas ma sahlanayn oo utun xun ayaa dhex taallay isaga iyo ninkii xukumayey gobolkaas ee Shariif Xuseen Bin Cali. Hase yeeshee waxay ciidamadii Aal Sucuud ku guulaysteen in ay galaan Daa’if iyo Makka sannadkii 1924, laakiin Jidda ayey mari waayeen oo u jilib dhigtay go’doon ay geliyeen oo socday ilaa 17 Diisember 1925.

Sannadkii 1926 ayaa Cabdicasiis la gula mubaayacooday Masaajidka Xaramka dhexdiisa in uu noqdo boqorka Xijaas, waxaanu sidaa magaciisii ku noqday Boqorka Xijaas iyo Suldaanka Najd ilaa 23 Sebtember 1932 markaas oo lagu dhawaaqay Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Dhidibo u adkayntii dawladda

Duruufihii siyaasadeed ee dunida ka jiray waagaa awgood ee ay ka midka ahaayeen in Ingiriisku haysto dhul ku yaal xeebaha gacanka Carbeed, ayaa ku kallifay Cabdicasiis inuu dhidibada u adkeeyo dawladiisii hanaqaadka ahayd si uu isaga caabiyo ururkii ay xulufada ahaayeen ee “Ikhwaanu Man Adaacallaah” oo diidanaa inuu joojiyo duullaanadii uu ku qabsanayey dhulka, ka dibna ay halkaa isku seegeen.

Cabdicasiis wuxuu aqoonsaday xuduudaha Ciraaq, Kuwait iyo Urdun waana arinta ay diidanaayeen Ikhwaanku.

Waxay bilaabeen duullaano ay ku qaadaan xuudaha Ciraaq iyo Kuwait, waxay sidoo kale maamulkii iskaga horyimaadeen markii ay iyaga oo aan amar ka helin maamulka ku xad gubeen dadkii Xijaas oo arimo ay fali jireen qaarkood ay iyagu u arkayeen in ay yihiin waxyaabo shirki ah sidaasna ay maamulkii isku seegeen.

Ikhwaanku waxay markii dambe diideen in ay u hogaansamaan amarradii Cabdicasiis ee ahaa in aanay weerarin xuduudaha Ciraaq iyo Kuwait, ka dibna waxay labada dhinac ku dagaalameen goobta la yidhaa Sulfa bishii Maarij 1929, halkaas oo lagu jabiyey Ikhwaankii oo firxadkoodii galay Kuwait oo isku dhiibeen ciidamadii Ingiriiska

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM