GAAROODI NEWS NETWORK

Itoobiya: Dad uu ka mid yahay Jawar Maxamed oo maxkamad la soo taagay

Itoobiya: Dad uu ka mid yahay Jawar Maxamed oo maxkamad la soo taagay

Ethiopia

Waxaa ka bilaabantay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maxkamadaynta afar iyo labaatan qof oo lagu oo oogay dacwado argagixisonimo ah, waxaana ku jira dadkaasi Jawaar Maxamed iyo Bekele Gerba oo ah xubno mucaarad ah oo magac leh.Sidoo kale dadka dacwadda lagu soo oogay waxaa ka mid ah afar eedaysane oo iyaga oo dalka ka maqan dacwadda lagu oogayo.

Eedaysanayaashan waxa la xidhxidhay markii ay dalkaas ka dhaceen rabshadihii ay ku dhinteen ugu yaraan 160-ka qof ee ka dhashay dilkii heesaagii caanka haa ee lagu toogtay Addis Ababa bishii July.

Xarun warbaahineed oo la yidhaado Oromia Media Network oo ah telefishan uu aasaasay Jawar ayaa dacwad lagu soo oogay. Markii maxkamadda la keenay ayaa Jawaar oo ah shakhsi taageero weyn ku leh shacabka Oromada gaar ahaan dhalinyarada wuxuu sheegay in uu ku faanayo in lagu soo oogo dacwad aragagixisonimo ah markii labaad noloshiisa, waxaanu ku eedeeyey xisbiga talada dalkaasi haya inuu xidhxidhayo dadka mucaaradka ku aha inta aan la gaadhin doorashada guud ee dalka ka dhici doonta.

Dawladdu waxay sheegtay in sababta baadhitaanka iyo soo oogidda dacwaddu ay muddada dheer u qaateen tahay baaxaadda iyo mugga khasaaraha ka dhashay shaqaaqooyinkaas oo aan muddo kooban lagu soo dhammaystiri karin

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM