Sudan ayaa wafdi sare u dirtay Imaaraatka Carabta si ay ula xaajoodaan saraakiisha Mareykanka, iyadoo dalkaasi uu doonayo in laga saaro liiska dalalka uu Mareykanku u aqoonsaday inay maalgeliyaan argagixisada.
Wafdiga Sudan waxaa horkacaya hoggaamiyaha dalkaas janaraal Abdel Fattah al-Burhan.
Mareykanka ayaa Sudan ku daray liiskaas sanadkii 1993 kaddib markii ay taageero u muujisay kooxaha Islaamiga ah oo uu ku jira Osama Bin Laden – oo muddo shan sano ah dalkaas ku noolaa.
Wada xaajoodyada waxaa qeyb ka ah, Mareykanka oo Sudan ka doonaya in in ka badan $300m (£232m) ay magdhow ahaan u siiso qoysaska dhibbanayaashii weerarrada argagixisada.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale isku dayeysa inay Sudan ku qanciso soo celinta xiriirka Israa`iil.