Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday inuu sida ugu dhakhsiyaha badan usoo dhisi doono Golaha Wasiirrada, isagoo hoosta ka xariiqay ilaa 8 arrimood oo uu fulin doono inta uga dhiman xilka.
Golaha Shacabka ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee uu dhawaan soo magacaabay madaxweyne Farmaajo.
“Waxaa iga go’an inaan soo dhiso xukuumad tayo leh, oo ka turjumeysa baahiyaha kala duwan ee ka jira dalkeenna Soomaaliya, marxaladdan uu dalku ku jirana ka gudbisa gaadhsiisa, fulisana hannaan doorasho oo heshiis lagu wada yahay.” Ayuu yidhi Rooble.
Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaare Rooble
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlayay Aqalka Baarlamaanka ayaa sheegay in waqtiga uu haysto uu wax uga qaban doono arimaha kala ah :-1- Amniga2 – Doorashooyinka .3- Horumarinta dhaqaalaha .4- Cadaaladda iyo Garsoorka .5- Dawlad wanaag iyo la dagaalanka musuq-maasuqa .6- Dib u eegista dastuurka .7- Dhab u hashiisiinta Soomaalida .8- Iskaashiga caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii xilka loo magacaabay sanadkii 2017-kii ka hadlay 7 qodob oo uu xilligaas sheegay inuu howlihiisa diiradda ku saari doono.