GAAROODI NEWS NETWORK

Labo askari oo lagu toogtay Mareykanka xilli uu Dibadbax ka Socday Louisville

Booliiska iyo dibadbaxayaasha ayaa isku dhacayBooliiska iyo dibadbaxayaasha ayaa isku dhacay

Labo askari oo booliis ah ayaa la toogtay, xilli ay kumannaan qof ay isugu soo baxeen magaalada Louisville ka dib markii garsoore maxkamadeed uu go’aamiyay in cidna aan loo maxkamaadeyn doonin geeridii Breonna Taylor oo ahayd gabadh madow ah.

Gabadhan madowga ahayd ayaa waxaa la dilay bishii March ee sanadkan.

Askarigan lagu magacaabo Brett Hankison ayaan lagu soo oogay daacwad aan ahayn dhimasahada Ms Taylor, balse lagu soo oogay dacwad ahayd in uu halis galiyay dhismaha dad daris ah la ahaa ka dib markii uu rasaas uu furay.

Laba askari oo kale oo la sheegay in falkaasi ay ku weheliyeen ayaan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Qoyska Ms Taylor iyo daadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa waxay ku baaqayeen in saddexdani askari oo dhamaantood ah caddaan lagu soo oogo dacwad ah inay geysteen dil ula kac.

Taliya ku xigeenka saldhiga booliiska Louisville Robert Schroede ayaa sheegay in labada askari ee ku dhaawacmay isku dhacyadani aysan naftooda halis ku jirin.

Waxaa uu intaa ku daray in qof loo haysto dhawaaca labada askari ee booliiska xabsiga la dhigay.

Waxaa xaalad degdeg ah lagu soo rogay Louisville, islamarkana waxaa haalakaasi loo daaadgureeyay ciidamada keedka qaranka

Duqa magaaladaasi Greg Fischer ayaa Bandow socon doona labo maalmood ku soo rogay magaaladaasi.

Dibadbaxayaasah ayaa ka careysnaa in askartan aan lagu soo oogin dacwad ah in ay dil geysteen.

Gabadha la dilay ee lagu magacaabo Taylor, ayaa ahayd 26 jir, ka howlgali mid ka mid ah isbataalada islamarkana waxay askartan gurigeeda ku weerareen 13 March.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa dalka Mareykanka ka socday dibadbaxyo looga soo horjeedo dilka ay booliiska u geystaan dadka madowga ah.

Dilkii loo geystay nin lagu magacaabo Jooj Folord ayuu ahaa kii dibadbaxii ugu waynaa uu dhashay

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM