GAAROODI NEWS NETWORK

Maxay ka wada Hadleen Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Ra`iisul Wasaaraha cusub Ee Somalia ?

Maxay ka wada hadleen Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Ra`iisul Wasaaraha cusub?

Somalia

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa billaabay wadatashi ku aaddan xukuumadda uu soo dhisayo iyo qaabka ay doorashada lagu heshiiyay dalka uga dhici karto. Sidoo kale maanta waxa uu xafiiskiisa Villa Soomaaliya ku qaabilay hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in kulan saacado qaatay uu la yeeshay Ra`iisul Wasaaraha cusub, Maxamad Xuseen Rooble.

Wuxuu sheegay in kulanka oo uu martigeliyay ray`iisul wasaare Rooble uu ujeeddadiisu ahaa is wareysi iyo talo jeedin.

Arrimaha ay diiradda ku saareen wada hadalkooda yauu ku sheegay inay ka mid tahay doorashada oo xilligeeda ku dhacda si caddaalad iyo sinnaan lehna u dhacda.

Wuxuu xusay in ra`iisul wasaaraha uusan dooneyn wax muddo kordhin ah, isla markaana uu daneynayo in doorashadu ay ku dhacdo xilligeeda.

Kulanka ay maanta yeesheen ayaa ahaa mid aan la sii saadaalin, maaddaama guddoomiyaha xisbiga Wadajir uu ka mid yahay dadka aadka u dhaliila dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay si aqlabiyad leh u ansixiyay Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Rooble magacaabay 18-kii bishan September.

Rooble ayaa la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM