GAAROODI NEWS NETWORK

Xuska Todobaadka Dhagoolayaasha Adduunka Oo Si Heer Sare Ah Looga Xusay Somaliland

Hargeisa(Gaaroodinews) Xuska Todobaadka Dhagoolayaasha Adduunka oo si heer sare ah looga xusay Somaliland
Sept, 23, 2020

“Maqal Codka Dhagoolayaha Somaliland”

Ururka Bulshada Maqalka ka Naafada ah ee Somaliland (SODA) ayaa Maalintii Arbaca Sept 23, 2020 ku qabtay Hudheelka Crown ee Magaalada Caasimadda JSL ee Hargeysa Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu debbaal degayay Xuska Todobaadka Dhagoolayaasha Adduunka. Waxa Ka soo qaybgalay boqolaal dhalinyaro Maqalka ka Naafo ah oo ka socday xaafadaha iyo degmooyinka Hargeysa, Xulalka Ciyaaraha kubadda Cagta ee Kooxaha Maqalka ka Naafada ah ee Gobollada Maroodijeex, Togdheer iyo Awdal iyo Kooxaha Ciyaaraha Hiddaha & Dhaqanka ee Ururkan SODA, Bulshada Maqalka ka Naafada ah. Waxa iyaguna kala soo qaybgalay Xafladdan Masuuliyiin heer Wasiirro, Agaasimayaal, La-Taliyayaal iyo Xilal kaleba leh oo ka tirsan Xukuumadda JSL, Axsaabta Qaranka, Hay’adaha Samafalka Wadaniga ah, Hay’ado Samafal Caalami ah, Jaamacadaha Dalka, Wakiillo ka socday Shirkadaha Ganacsiga iyo Adeegyada Bulshada, Xubno ka socday Bahda Dhaqanka, Xubno ka mid ah Qurbajoogga Somaliland ee maalgashaday Dalka JSL, Warbaahin tiro badan oo maxalli, waalidiinta dhalay carruurta Maqalka ka Naafada ah, qaarka mid ah Waalidiinta dhalay carruurta Maqalka ka Naafada ah iyo marti sharaf kale oo ka socday qaybaha bulshada Somaliland.
Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha JSL, Mudane Boos Mire Maxamed oo ugu horrayn u hambalyeeyay Bulshada Maqalka ka Naafada ah Xuska Todobaadka Dhagoolayaasha ee Addunka, isla markaana xusay inay sharaf weyn u tahay Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha JSL martigelinta Koobka Kubadda Cagta ee Xulalka Kooxaha Maqalka ka Naafada ah ee Gobollada Maroodijeex, Togdheer iyo Awdal ayaa madasha ka ballan qaaday inuu ka hawlgeli doono waxka qabashada baahiyaha ay leeyihiin Bulshada Maqalka ka Naafada ah ee Somaliland oo illaa heer Madaxweyne uu gaadhsiin doono arrintooda. “Waxa aan ka ballan qaadayaa ballan qaad gaar ah oo wixi aan halkan ku arkay iyo baahiyadiinna iyo halka ay marayaan inaan qoraal gaar ah ugu gudbiyo Madaxweynaha JSL ama aniga ha i khuseeyaan ama cid kale ha khuseeyaane iyadoo qoran oo urursan ayaan u gudbinayaa Madaxweynaha.”
Guddoomiyaha Ururka SODA Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Axmed ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka u u taagan yahay Ururkan Dhagoolayaasha Somaliland oo la aas’aasay 2016kii, hawlaha u qabsoomay mudadii uu jiray iyo guulaha uu gaadhay, baahiyaha mudnaanta leh ee bulshada Maqalka ka Naafada ah, ujeedooyinka ay ka leeyihiin qabashada Xafladdan Sannadlaha ah ee Xuska Todobaadka Dhagoolayaasha Adduunka, isla markaana talooyin usoo jeediyay Dawladda iyo qaybaha bulshada rayidka ah sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqaha aas’aasiga ah ee ay leeyihiin bulshada Maqalka ka Naafada ahi balse haddeer aanay gaadhin. Guddoomiyuhu wuxu u mahad celiyay dhammaan dadkii, hay’adihii iyo shirkadihii ka gacan siiyay ama si uun uga qayb qaatay qabashada Xafladan kuwaasoo ay ugu horreeyaan Waaxda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL oo had iyo jeer dhiirrigelisa Barnaamijka Rajo Gelinta Naafada ee Doorka Qurbajoogga, Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska & Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare JSL, Baanka Dhexe JSL, Madbacadda Qaranka JSL, Dalladda Hay’adda Save The Children, Haweenka Qaranka ee NOW, Hay’adaha Samafalka Wadaniga ah ee AL-RAXMA, SODFA, Shirkadaha Daabacadaha Somaliland ee Tayo, Dheeman & SagalJet, Shirkadaha HASS Petroleum, Somcable, Sompower, Premium Bank iyo Mutadawaciin Shakhsiyaad ahba.
Hana Ali Jirde oo ka tirsan Gudida Ururka SODA, isla markaana qaabilsan Garabka Haweenka ayaa iyaduna si xamaasad leh uga hadashay caqabadaha haysta dhalinyarada Maqalka ka Naafada ah gaar ahaan xagga waxbarashada, fursadaha shaqada iyo mustaqbalka nolosha. Xubnaha kale ee Gudida Ururka SODA ee iyaguna madasha ka hadlay ayaa dhammaantood tilmaamay sida loogu baahan yahay in la tixgeliyo baahiyaha iyo xuquuqaha ay leeyihiin bulshada Maqalka ka Naafada ah ee Somaliland qaran ahaan, la horumariyo Manhajka Waxbarashada inuu noqdo mid dheellitiran (Inclusive), la aqoonsado, lana horumariyo Luuqadda Suul-Dhabaalaha (Sign Language) xagga waxbarashada iyo adeegyada bulshada ee aas’aasiga ah guud ahaan.
Waxa aad iyo aad loogu mahad celiyay, lagu bogaadiyay, laguna amaananay Maamulka Jaamacadda Caalamiga ah ee BEDER ee garawsaday inay markaliya 30 arday dhagoolayaal ah ugu deeqaan waxbarasho heer jaamacadeed iyo doorka wada shaqayneed ee Wasaaradda Waxbarashada & Saynisku hawshaas ku leedahay, waxana la dhiirrigeliyay inay Jaamacadaha kalena kaga daydaan BEDER garashada fiican iyo horumarinta dhalinayrada Maqalka ka Naafada. Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee BEDER, Garyaqaan Mubaarik Ibraahim Aar ayaa munaasibadda ka sheegay inay dadaalkaas sii xoojinayaan, waxanu ugu baaqay dhammaan bahda Waxbarashada iyo qaybaha bulshada in wax la taro bulshadan oo lagu dhiirrado wax u qabadkooda shacab iyo dawlad ba Dalka JSL.
Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha ee Jaamacadda Hargeysa, Barafasoor Axmed Yuusuf Goolcadde ayaa isaguna halkaa kaga dhawaaqay hadal farxad geliyay Dhalinyarada Maqalka ka Naafada ah isagoo daaha ka qaaday inay Jaamacadda Dawladda JSL ee Hargeysa ku hawlantahay dadaallo bilaw ah oo lagu dhiirrigelinayo in haatan wixii ka dambeeya ay Jaamacaddu fursado ku habboon oo waxbarasho u diyaarinayaan ardayda Maqalka ka Naafada ah ee Dalkan JSL. Wakiilka ka socday Jaamacadda ADMAS ayaa isaguna dhinaciisa ku ballan qaaday inay tababarro xirfadeed ku habboon ku taageeri doonaan dhalinyarada & ardayda Maqalka ka Naafada ah iyagoo kaashanaya Xarunta Jaamacadda ee Addis Ababa xagga barayaasha iyo farsamada.
Dhinacyada kale ee iyaguna ka hadlay Munaasibadda, isla markaana soo dhaweeyay wada shaqaynta iyo inay tixgelinayaan wixii ay ka qaban karaan baahiyaha bulshada Maqalka Naafada ka ah waxa ka mid ahaa Dalladda Dhalinyarada SONYO, Ururka NOW, Hay’adda AL-RAXMA, Shirkadda Isgaadhsiinta SOMCABLE iyo Baanka Premium Bank.
Guud ahaan Masuuliyiinta ka socotay Dawladda, Axsaabta iyo Jaamacadaha Somaliland gaar ahaan BEDER, Jaamacadda Hargeysa, Jaamacadda ADMAS, jaamacadda Islaamic Online, Hay’adaha Khayriga iyo shakhsiyaadka kale madasha ka hadlay oo aad ugu bogaadiyay Ururka Dhagoolayaasha qaban-qaabada wacan ee Munaasibadda, farxadda & jawiga quruxda badan, isku duubnaanta iyo isku kalsoonaanshaha ka muuqday dhalinyarada Maqalka ka Naafada ah ee ka soo qaybgalay Xafladda; ayaa dhammaantood ugu baaqay bulshada Somaliland, shacab iyo dawlad ba in lagu baraarugo arrimaha bulshada qaba baahiyaha gaarka ah ee dadka Maqalka ka Naafada ah iyo kuwa Araga ka Naafada ahiba ku jiraan.
Waxa ugu waaweynaa ama ugu muhiimsanaa afkaarta la soo jeediyay iyo ama istaraatiijiyadaha lagu talo bixiyay in magacaabista Agaasin Guud ama Koomishan u gaar ah dadka baahiyaha gaarka ah qabaa uu wax weyn ka bedeli karo xaaladda, dheellitirka mahnajka waxbarashada, dheellitirka adeegyada bulshada, shaqo gelinta iyo in laga taageero xagga xirfadaha farsamada iyo tiknoolajiyadda iyo adeegga isgaadhsiinta oo gaar ahaan loo soo jeediyay inay Shirkadaha Isgaadhsiinta Dalku ka dhaafaan lacagta dirista farriimaha (SMS charges) iyo/ama Internet-ka. Waxa loogu baaqay Xukuumadda JSL iyo guud ahaan qaybaha bulshada Dalka JSL in la dhagaysto codka Bulshada Maqalka ka Naafada ah sida uu Halku-dheeggooda Xuska sannadkani ka turjumayo.
“Waxan jeclaan lahaa inaan Madaxweynaha JSL si shakhsi ah aan uga codsado maadaama dadkani baahiyo gaar ah qabaan haddaan wasaarad u gaar ah loo samayn karayn in Agaasime u gaar ah oo Madaxtooyada ka tirsan oo Madaxweynaha hoos taga oo mashaakilaadkooda iyo codkooda qaada oo halka ugu sarraysa gaadhsiiya loo magacaabo,” Cabdikariim Axmed Mooge.
Gebogebadii Xafladda, Ururka Dhagoolayaasha Somaliland ee SODA wuxu guddoon siiyay shahaado sharafyo abaal marin ah Masuuliyiin, Shakhsiyaad iyo Hay’ado (Institutions) kala duwan ay u aqoonsadeen inay ahaayeen dadkii iyo dhinacyadii ugu waxqabadka, taageerada, talada, iyo wada shaqaynta iyo badnaa Ururkan SODA iyo guud ahaan danaha iyo baahiyaha bulshada Maqalka ka Naafada ah ee Somaliland sannadkii hore iyo sannadihii ka horreeyayba siyaabo kala duwan. Waxa kale oo ururku guddoon siiyay Shahaado Sharafyo lagu maamuusay xubno ka mid ah Gudida Ururka, Xubno ka mid ah Turjumaadda inta badan garab taagan ee wakhtigooda u hura, iyo xubno kale oo Maqalka ka Naafa ah oo loo aqoonsaday inay ugu shaqo badnaayeen ama ugu waxtar badnaayeen bulshada Maqalka ka Naafada ah ee Somaliland.
1. Hassan Ahmed Yusuf, Technical Advisor to Diaspora Engagement/MoFA⁣
2. Prof. Mubarik Ibrahim Aar, President of BEDER International University;
3. Hon. Hinda Jama Hersi Ghani, Minister of Employment, Social Affairs & Family;
4. Hon. Ahmed Mohamed Dirie, Minister of Education & Science;
5. Hon. Boos Mire Mohamed, Minister of Youth & Sports;
6. Mr. Sheikh Saeed Sheikh Omer Yusuf; Summer Time Hotel;
7. Mohamed Abdi ILIG, Director of MMTV;
8. Horn Cable TV;
9. Mr. Mawlid Hassan Abdillahi, Principal of Burao Deaf School;
10. Mr. Saeed Mohamed Yusuf, A Loyal Volunteer for the Deaf People;
11. Mr. Mohamed Hussein Idle, A Loyal Volunteer for the Deaf People;
12. Ms. Hibo Mohamed Hussein, A Loyal Volunteer for the Deaf People;
13. Mr. Mohamoud Dayib Hammi, A Loyal Volunteer for the Deaf People;
14. Mr. Mawlid Hassan Abdillahi, Principal of Burao Deaf School,
15. Mr. Khaalid Ali Hussein, Ex-chairperson of SODA & BOD Member;
16. Ms. Hana Ali Jirde, Member of SODA BOD, Women’s Wing & Treasurer;
17. Mr. Mustafe Mohamed Osman, Member of SODA BOD;
18. Warsame Essa Mohamed, IT Technician.
Ugu dambayntii, annagoo u mahad celinaynaa dhammaan dhinacyadii nagala soo qaybgalay Xafladda, kuna rajo weyn in cid waliba ballan qaadka ay sameeyeen ka dhabayn doonaan, waxa aannu si gaar ah uga codsanaynaa Warbaahintii nagala soo qaybgashay ee ay ka mid ahaayeen SLNTV, Horn Cable TV, Star TV, Bulsho TV, SOMNEWS, SAAB TV, ASTAAN TV iyo kale ee aanaan magacyadooda xusin ba inaad ugu tabarucdaan dhammaantiin baahinta togan ee Barnaamij aad ka samaysaan Xafladii Xuska Sannadkan ee Todobaadka Dhagoolayaasha taasoo wax weyn ka taraysa kor u qaadista wacyiga bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, dhiirrigelin weynna u ah bulshada aannu u adeegno ee Maqalka ka Naafada ah.

Waxa soo saaray War Saxaafadeedkan Dheer Xafiiska Ururka SODA ee Hargeysa.
www.sldeaf.org, soda1org@gmail.com
Maxamuud Cabdiraxmaan Axmed
Gudoomiyaha Ururka Dhagoolayaasha Somaliland ee SODA
Arbaca, 23, 2020

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM