GAAROODI NEWS NETWORK

Kim Jong-un Oo Bixiyay Raali Gelin Aan Looga Baran

Kim Jong-unKim Jong-un

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa raali gelin aan looga baran ka bixiyay dilkii sarkaal u dhashay Kuuriyada Koonfureed, sida ay sheegtay madaxtooyda.

Kim Jong-un ayaa u sheegay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in in khalad ay aheyd in la dilo sarkaalkaas.

Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay in ninka oo 47 jirka ah lagu eedeeyay in uu baxsanayay dhinaca Kuuriyada Waqooyi xilli ay arkeen ciidamada ilaalada Waqooyiga oo howlgal ka sameynayay badda.

Waxay ciidamada Kuuriyada Waqooyi dileen sarkaalka, waxayna dab qabadsiiyeen meydkiisa, sida ay sheegtay xukuumadda

Waxaa xiran xadka labada Kuuriya, waxaana la adkeeyay ammaanka xadka, Kuuriyada Waqooyi waxay dhaqan gelisay siyaasad ah ‘Toogasho’ oo ka dhan ah cid kasta oo isku daydo inay u tallaabsato xadkeeda si looga hortaggo cudurka Koroona.

Kim wuxuu sheegay in si weyn uu uga xun yahay dilka sarkaalka.

Kuuriyada Waqooyi waxay faahfaahin ka bixisay dhacdada oo ay sheegtay in sarkaalka lagu dhuftay 10 xabadood kaddib markii uu tallaabsaday dhinaca Kuuriyada Waqooyi kaas oo ka cararay ciidamada, sida uu sheegay agaasimaha laanta amniga qaranka ee Koonfurta, Suh Hoon.

Kuuriyada Waqooyi waxay dhankeeda sheegtay in aysan gubin meydka sarkaalka balse ay dab qabadsiiyeen ‘qalabkii uu saarnaa ee dul sabeynayay badda”.

“Cidamada ma ogaan karin wax uu yahay qof aan hebtiisa la gareyn oo kusoo xadgudbay biyaha kaddib markii rasaas lagu furay isla markaana la gubay qalabka tallaabadaas oo qeyb ka ah siyaasadaha looga hortaggayo cudurka”

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM