GAAROODI NEWS NETWORK

Ruushka oo sheegay in uu dhexdhexaadin doono labada dal ee Azerbaijan iyo Armenia

Armenian Defence Ministry photo shows Armenian soldier during clashes with Azeria forces. 30 Sept 2020Waa dagaalkii ugu xumaa ee ka dhaca Nagorno-Karabakh tan iyo xabad joojintii 1994

Ruushka ayaa ku baaqay marti galinta wadahadallo ku saabsan joojinta dagaalka u dhexeeya Azerbaijan iyo ciidamada Armenia ee gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Wasiirka arrimaha dibedda Sergei Lavrov ayaa u soo bandhigay dalabkan baaq ee uu u dirayey labadan dowladood, sida ay baahiyeen – isaga oo dhanka kalena intaa ku daray in uu ku booriyay in la joojiyo “wax kasta oo xaaladda sii xumayn kara”

In ka badan 100 dhimasho ayaa la soo sheegay tan iyo Axadii, taas oo ka dhigaysa dagaalkii ugu cuslaa ee sanado ka dhaca Nagorno-Karabakh.

Goobtan ayaa si rasmi ah qeyb uga ah Azerbaijan, waxaana xukuma dad ka soo jeeda Armenia

Armenia iyo Azerbaijan – waa laba dal oo horey u ahaa jamhuuriyadihii Midowgii Soofiyeeti – waxayna dagaallo ku dhex mareen sannadihii 1988-1994 gobolkaas. Waxaana sii kordheysay cabsida laga qabay in quwadaha caalamka ay u horseedaan khilaaf daba dheeraada.

Arbacadii, xafiiska Mr Lavrov wuxuu sheegay inuu u yeeray wasiirrada arrimaha dibedda ee labada waddan ee Armenia iyo Azerbaijan si loogu sheego in Ruushka uu diyaar u yahay inuu martigaliyo wadahadallo nabdeed oo oo lagu xaajooyinka isku maandhaafsan yihiin.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu dagaalkan hab taleefana kala hadlay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron Labada hoggaamiyeba waxay ku celiyeen baaqyada quwadaha adduunka ee ah in la sameeyo xabad joojin degdegga ah.

Ruushka ayaa se qeyb ka ah isbaheysi militari oo ay la leeyihiin Armenia, waxaana uu dalkaasi ku leeyahay saldhig milatari. Si kastaba ha noqotee, waxay sidoo kale xiriir dhow la leeyihiin dowladda Azerbaijan.

Armenia waxay taageertaa Nagorno-Karabakh, laakiin waligeed si rasmi ah uma ay aqoonsan.

Map showing conflict in Nagorno-Karabakh region
Transparent line

Ma cadda waxa dib u soo laba kaclaysiiyey dagaalkan, asee arbacadii shalay ahayd madaxweynihii Azerbaijan Ilham Aliyey, waxa uu ballan ku qaaday inay dagaallami doonan tan iyo inta ciidammada Armenia ka baxayaaan aaggaga ay isku hayaan. Waxaana uu sheegay in shuruudda keliya ee ku xidhan xabbad joojinna ay taas tahay.

2px presentational grey line

Nagorno-Karabakh – Xaqiiqooyin ku saabsan

  • Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran
  • Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtan Armeniya ka soo jeeda iyo Tarki Turkiga ka soo jeedda
  • Xilligii midowgii Soofiyeet gobolkaasi wuxuu noqday gobol madax-bannaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Azarbajaan
  • Caalamkana waxaa looga aqoonsan yahay inuu yahay gobol madax-bannan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Azarbajaan
  • Dagaalladi dhacay inti u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhintay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qayaaso 1 malyan
  • Dagaalki 1990-yadi dhacayna kooxo gooni u goosad ah waxay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azarbajaan
  • Khilaafka ayaa sii xoogeysanayey tani iyo marki la dhaqan geliyey xabbad joojinti 1994-kii
  • Turkigu si aan gabbasha lahayn wuxuu u taageeraa Azarbajaan
  • Ruushka wuxuu xaruumo militari uu ku leeyahay Armeeniya

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM