GAAROODI NEWS NETWORK

Kenya Oo Diidday in Dalkeeda Laga Fuliyo Duqeymo Ka Dhan Ah Alshabaab

Kenya oo diidday in dalkeeda laga fuliyo duqeymo ka dhan ah Alshabaab

Alshabab

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa warbaahinta France24 u sheegay inuusan oggolaan doonin in milatariga Mareykanka ay duqeymo cirka ah ka geystaan gudaha Kenya, isagoo beeniyay wararka sheegaya in aqalka Pentagon-ka uu oggolaasho weydiistay Kenya.

Wargeyska New York Times ayaa bishii la soo dhaafay shaaciyay in milatariga Mareykanka “ay oggolaasho u raadsanayaan inay duqeymo cirka ah ka egystaan qeybo ka tirsan bariga Kenya, iyagoo ku beegsanaya kooxda Alshabaab “.

“Howlo argagixiso way jiraan balse saldhigyo argagixso kuma lihin gudaha Kenya. Sidaas darteed, ma jirto waxaas,” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta oo booqasho rasmi ah ku jooga Fransiiska.

Weerar ay bishii January Al-Shabab ku qaadeen saldhig Mareykanku ku leeyahay Kenya ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo Mareykan ah iyo labo kale.

Warkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo kahor ay maxkamad milatari oo ku taalla Soomaaliya ay xabsi daa`in ku xukuntay sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu eedeeyay inuu door ku lahaa weerarkaas.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee ay Al-Shabab ku qaadaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Kenya.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan.

Mareykanka ayaa aalaaba weerarro cirka ah oo uu ku bartilmaameedsado Alshabaab ka fuliya Soomaaliya

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM