GAAROODI NEWS NETWORK

Xaflad Cudud Iyo Taageero Loogu Muujinaayay Musharaxa Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Eng Cabdilaahi Cali Xasan Ayaa Kadhacday Magaalada Hargeisa + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Waxaa Magaalada Hargeisa Lagu Qabtay Munaasibad Balaadhan Oo Taageero Loogu Muujinaayay Musharax Eng Cabdilaahi Cali Xasan Oo Kamid Ah Musharaxiinta Utartamaaya Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa

Munaasibadan Taageerada Ah Oo Kadhacday Hadhwanaag Hotel Ayaa  Umuuqatey  Inaan Taageerayaasha Iyo Beesha Uu Kasoo Jeedo Musharaxani Aanay Ukala Hadhin Taageeradiisa Waxaana Kasoo Qaybgalay Dhamaan Cuqaasha Culimada Dhalinyarada Haweenka, Iyo Aqoonyahanka Beeshiisa Kuwaasoo Dhamaantood Balanqaaday Inay Cod Iyo Taageeraba Aylagarab Taaganyihiin Musharaxa

Musharax Eng Cabdilaahi Cali Xasan Oo Kamid Ah Dhalinyarada Siyaasiyiinta Ah Ee Mustaqbalka Leh Ayaa Ah Hiilka Dhabta Ah Ee Dadwaynaha Reer Hargeisa Ay Ubaahnaayeen

  

 

Hargeisa/Office

Www.gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM