telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Baanka Dhexe Ee Somaliland Ayaa Soo Qaban Qaabiyay Kulan Ay Isugu Yimaadeen Daneeyayaasha Dawlada Ee Arimaha Ka Hortaga Maydhaanka Lacagaha iyo Maalgalinta Argagixisada

Hargeisa(Gaaroodinews)  Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa soo qaban qaabiyay kulan ay isugu yimaadeen Daneeyayaasha Dawlada ee arimaha la xidhiidha Ka hortaga Maydhaanka Lacagaha iyo Maalgalinta Argagixisada.
Ujeeddada kulankani waxa uu aha in la isku xidho isla marka na wada shaqayn laga dhex abuuro bahda caddaaladda iyo Hayaddaha qaranka ee la xidhiidha La-dagaalanka Maydhaanka Lacagaha iyo Maalgalinta Argagixisada.

Kulankan waxa kasoo qayb galay saraakiil sarsare oo ka socday hay’addaha kala ah: –
1. Wasaarada Horumarinta Maaliyada
2. Wasaarada Caddaalada
3. Komiishanka Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa.
4. Maxkamadaha
5. Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka
6. Hay’adda Sirdoonka Qaranka
7. Booliiska
8. Laanta Socdaalka; iyo
9. Baanka Dhexe
Ugu horayn waxa furay shirkan Gudoomiyaha Baanka Mud: Cali Ibraahim Jaamac, waxaanu soo dhaweeyay saraakiisha kasoo qayb gashay kulanka. Gudoomiyuhu waxa uu ka waramay ujeedada kulanku, hadalkiisana waxa ka mid ahaa ‘’ Baanku Dhexe ee JSL waxa uu in mudo ah ka shaqaynayay shuruucda iyo Xeerarka lagu dhaqayo Ka hortaga Maydhaanka lacagaha, sida aad la socotaan waxa dhawaan la ansixiyay xeerka maydhaanka Xeer. Lr. 87/2020, markaa halkan maanta waxa aanu isugu kiin yeedhnay waxa ugu muhiimsan seddex qodob :-

1. In La isla eegno sidii ay hay’ad kastaa doorkeeda uga qaadan lahayd dhaqan galinta xeerkan maadaama hay’ad kasta oo halkan fadhidaa door ku leedahay fulinta xeerka.
2. In laga doodo qodobo ay isla fahmi waayeen Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadahu
3. In la isku xidho Waaxda Daba-galka Dhaq-dhaqaaqyada Maaliyadeed ee Baanka dhexe iyo Hay’adaha halkan ku sugan.

Dhinaca kale, waxa shirka furitaankiisii ka hadlay Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Mud: Cali Suudi Diiriye, Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka M/j Mud: Cabdi Qawdhan Cabdi, Xeer Ilaaliyaha Gobolka Maroodijeex Mud: Mawliid Cabdi Muuse iyo Gudoomiye ku xigeenka Komiishanka Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa Mud: Liibaan Ismaaciil Cabdulaahi.

Ugu dambayn waxa shirkan la iskula fahmay qaabka wadashaqayneed ee Hay’adahan iyo Baanka dhexe gaar ahaan Waaxda Dabagalka Dhaq-dhaqaaqyada Maaliyadeed. Sidoo kala waxa shirka kasoo baxay in Hay’ad kasta ay Baanka dhexe usoo dirto sarkaal (Focal Point) kala shaqeeya hawlaha Maydhaanka Lacagaha iyo Maal galinta Argagixisada.

 

 

Hargeisa/Office

Www.gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom