Hargeisa(Gaaroodinews) Shirweynaha 4aad ee xisbiga Kulmiye oo maalintii labaad ka socda hotel maansoor ayaa doortay Hoggaanka Xisbiga Ee Shanta Sanno Ee Soo Socda
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ayaa Markale Dibloogu Doortay Gudoomiyaha Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye
Hogaanka xisbiga Kulmiye ee maanta la doortay iyo gobolada ay kasoo jeedaan.
Gudoomiyaha xisbiga iyo ku xigeenka 2aad waa gobolka Maroodi-jeex.
Ku xigeenka 1aad waa gobolka Togdheer. Halka ku xigeennada 3aad iyo 4aad kala yihiin gobollada Sool(ka 3aad) iyo Awdal(ka 4aad).
Hargeisa/Office
Gaaroodinews