Hargeisa(Gaaroodinews) Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa soo xidhay Shirweynaha Afraad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye – kaasi oo saddex Maalmood ka socday Magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha oo khudbad kooban jeediyey ayaa sheegay in qabsoomidda shirweynaha Kulmiye ay guul u tahay guud ahaan Shacabka Somaliland.
Madaxweynuhu wuxuu hambalyo u diray shirar nabadeed oo ka socda Gobollada Sool iyo Sanaag – kuwaasi lagu heshiisiinayo beelo dagaalo dhex mareen.
Daawo Muuqaalka Warkaas :-