telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maxaa September ka dhigay bishii ugu kululeyd dunida?

Maxaa September ka dhigay bishii ugu kululeyd dunida?heerkulka cimilada

September waxay ahayd bishii ugu kululeyd dunida, sida laga soo xigtay ha`adaha saadaasha hawada.

Waxay qiyaastii cabbir ahaan 0.05C ka kululeyd bishii September sanadkii hore.

Saynis yahannada ayaa sheegaya in tani ay caddeyn u tahay in qiiqa hawada lagu sii daayo uu sii kululeeyo heerkulka dunida.

Copernicus, oo ah hay`adda Midowga Yurub u qaabilsan saadaasha hawada ayaa sheegtay in heerkulka cirifka Siberia uu kor uga sii kacayo intii caadiga ahayd.

Waxay sidoo kale sheegtay in badda barafka leh ee cirifkaasi ku taalla

Sanadkan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay inuu noqonayo kii ugu kululaa ee soo mara Yurub, xitaa haddii uu heerkulku qaboobo wixii haatan ka bilowda.

Cimilada dunida ee sii kululaaneysa ayaa sababtay in dab uu ka kaco keymaha California ee dalka Maryekanka iyo Australia.

Waxay sidoo kale ka qeyb qaadatay in heerkulka Dooxada Dhimashada uu hal maalin gaaro 54.4C (130F) taas oo noqotay maalintii ugu kululeyd taariikhda.

Waxay cimilada sii kululaaneysa sidoo kale sababtay daadadka ka dhacay koofurta Faransiiska, kaddib roobab xooggan oo maalin gudaheed ka da`ay dalkaas.

Waaxda saadaasha hawada Faransiiska ayaa sheegtay in roobabkaas oo kale boqolkii sanaba mar la filan jiray, balse ay haatan toddobaad gudihiis labo jeer ka da`een dalkaas

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom