GAAROODI NEWS NETWORK

Cali Khaliif Galeydh Oo ku Geeriyooday Jigjiga

Cali Khaliif Galeyr oo ku geeriyooday JigjigaCali KhaliifCali Khaliif Galeyr

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu goor dhow halkaasi ku geeriyooday Cali Khaliif Galeyr.

Geerida Cali Khaliif oo mar soo noqday Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa BBC-da u xaqiijiyay Cumar Faaruuq Warfaa, oo ah wasiir ku xigeenka madaxtooyada Dowlad Deegaanka.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in marxuumka uu ku xannusanaa Jigjiga labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM