GAAROODI NEWS NETWORK

Muxuu ku dambeyn doonaa dagaalka faraha looga gubtay ee Armenia iyo Azerbaijan?

Kummanaan ayaa ku barakacay dagaalkaKummanaan ayaa ku barakacay dagaalka

Armenia iyo Azerbaijan ayaa ku heshiiyay xabad joojin ku meel gaar ah ka dib dagaalkii labada dal ee gobolka lagu muransanyahay ee Nagorno-Karabakh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku dhawaaqay xabad joojinta kaddib 10 saacadood oo lagu wadahadlayay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Wasiirka ayaa sheegay in haatan labada dal ay bilaabi doonaan wadahadallo muhiim ah.

In ka badan 300 oo qof ayaa dhimatay halka kumanaanna ay guryahoodii ka barakeceen tan iyo ay bilaabatay shaqaaqadii ugu dambeeysay ee 27-kii bishii Sebteembar.Woman walks past house damaged by shelling in the Azerbaijani city of Ganja - 6 October

Xabadda joojinta ayaa bilaaban doonto maanta barqada si ay u suurogasho in la is weydaarsado maxaabiista iyo la gurto meeydadka dadkii ku ledahay gulufkii labad toddobaad socday ee dhexmaray Armenia iyo Azerbaijan

Nagorno-Karabakh waxaa maamulo qowmiyad asal ahaan ka soo jeedda Armenia balse rasmiyan waxuu gobolkan uu khilaafkiisa mudddada badan soo jiitamayay ka tirsan yahay Azerbaijan.

Armenia iyo Azerbaijan – waa laba dal oo horey u ahaa jamhuuriyadihii Midowgii Soofiyeeti – waxayna dagaallo ku dhex mareen sannadihii 1988-1994 gobolkaas. Waxaana sii kordheysay cabsida laga qabay in quwadaha caalamka ay u horseedaan khilaaf daba dheeraada..

Ruushka ayaa se qeyb ka ah isbaheysi militari oo ay la leeyihiin Armenia, waxaana uu dalkaasi ku leeyahay saldhig milatari. Si kastaba ha noqotee, waxay sidoo kale xiriir dhow la leeyihiin dowladda Azerbaijan.

Nagorno-Karabakh – Xaqiiqooyin ku saabsan

  • Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran
  • Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtan Armeniya ka soo jeeda iyo Tarki Turkiga ka soo jeedda
  • Xilligii midowgii Soofiyeet gobolkaasi wuxuu noqday gobol madax-bannaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Azarbajaan
  • Caalamkana waxaa looga aqoonsan yahay inuu yahay gobol madax-bannan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Azarbajaan
  • Dagaalladi dhacay inti u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhintay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qayaaso 1 malyan
  • Dagaalki 1990-yadi dhacayna kooxo gooni u goosad ah waxay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azarbajaan
  • Khilaafka ayaa sii xoogeysanayey tani iyo marki la dhaqan geliyey xabbad joojinti 1994-kii
  • Turkigu si aan gabbasha lahayn wuxuu u taageeraa Azarbajaan
  • Ruushka wuxuu xaruumo militari uu ku leeyahay Armeeniya

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM