GAAROODI NEWS NETWORK

Hooyo kufsi iyo Dil loogu Geystay Burco Walaalkeed Oo Sharraxay Waxa Dhacay

.

Hooyo saddex carruur ah lahayd ayaa kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Burco ee ka tirsan Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Haweeneydaas walaalkeed ayaa BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen iyo tallaabada ay qaadeen.

Cabdinaasir Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in meydka walaashiis – oo lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Cabdullaahi – uu yaallo isbitaalka weyn ee magaalada Burco.

“Waxa kaliya ee aan codsaneyno waa in xukuumadda Somaliland, oo uu madaxweynuhu ugu horreeyo, ay caddaalad na siiyaan. Arrintaas caddaalad ayaan ka rabnaa, ninkaa dilka geystay ee eedesanaha ah waxaannu dooneynaa in sharciga naloo mariyo sida ugu dhakhsiyaha badan leh oo aan xabsiga loogu heynin sida dadka hore ee dilalka u xidhan.” Ayuu yidhi.

Isagoo ka warramaya dhibaatadii loo geystay haweeneydaas ayuu yidhi: “Gabadha madaxa ayaa laga dilay, gidaarka ayaa madaxa loola dhacay, kaddib maskaxdii ayaa duntay, dhaawacaas madaxa ka gaadhay ayeyna u dhimatay.”

Booliska Soomaaliland ayaa baadhitaan ku wada dhacdadan oo argagax galisay shacabka.

Ninka falkan lagu eedeeyay, oo aan magaciisa la shaacinin, ayaa lagu soo warramayaa inuu isagu isgeeyay saldhigga dhexe ee booliska magaalada Burco kaddib markii ay musiibadan dhacday.Graphic depicting violence

Lama oga sababta keentay kufsiga iyo dilka loo geystay hooyadaas iyo xidhiidhka ka dhaxeeyay labada qof.

Cabdinaasir ayaa beeniyay warar sheegayay in uu socdo dadaal kiiskan loogu dhameynayo qaab xeer hoosaad ah.

“Arrin ku saabsan xeer Soomaali waxba kama jiro, cid aan is aragnayna ma jirto oo aan ka ahayn ciidanka nabadgalyada ee kiiskan gacanta ku haya, waxaana mar labaad codsaneynaa in gabadhaas ay caddaalad hesho.” Ayuu sii raaciyay.

Muddooyinkii lasoo dhaafayba waxaa soo badanayay falalka kufsiga iyo dilka isla socda ee ka dhacayay deegaanno ka tirsan dhulka Soomaalida.

Dhacdadii ugu dambeysay ee wali aan kasii bixin dhagaha shacabka Soomaaliyeed waxay ahayd tii dilka loogu geystay gabar ka mid ahayd ardayda Muqdisho.

11-kii bishii September ayaa lasoo tabiyay in gabadhaas la kufsaday islamarkiina dabaq laga tuuray, halkaasoo ay ku geeriyootay.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax ayaa ahayd 20 jir..

Baadhitaanka la xidhiidha falkaas ayaa ka socday Muqdisho, boolsiaka ayaana gacanta ku dhigay nin lagu sheegay inuu ahaa eedeysanaha ugu muhiimsan kiiskaas kufsiga iyo dilka ah.

Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee qabsaday baraha bulshada Soomaalida waxay u badnaayeen kufsi wadareed iyo dil ku lammaansan.

Mid ka mid ah falalkii kufsiga ee ugu hadal-heynta badnaa Soomaaliya wuxuu ka dhacay Puntland, inkastoo dil toogasho ah lagu fuliyay eedeysaneyaashii tacaddigaas loo heystay qaarkood.RADIO BANAADIRCaa’isha Ilyaas Aadan

11-kii biihii Februry, waxaa Puntland lagu toogtay labo nin oo ka mid ahaa rag lagu helay dambi ah inay kufsi iyo dil u geysteen gabar yar oo lagu magacaabi jiray Caa’isha Ilyaas Aadan.

Raggan ayaa falka kufsiga iyo dilka ah magaalada Gaalkacyo ka geystay horaantii sanadkii hore ee 2019-kii.

Caaisha oo 12 jir ahayd ayaa meydkeeda laga helay afaaka hore ee gurigooda, waxaana falkaas uu dhaliyay caro aad u ballaaran.

Nin saddexaad oo ka mid ahaa eedeysaneyaasha, horayna dil loogu xukumay ayaa markii dambe lasii daayau.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM