GAAROODI NEWS NETWORK

“Dhagarta ka dhanka ah islaamka”: Muxuu muran uga dhashay hadal kasoo baxay Sheekh Al Azhar?

Sheekh Al Azhar, Axmed Al TayibSheekh Al Azhar, Axmed Al Tayib

Dareen xooggan oo dhanka baraha bulshada ayaa ka dhashay kaddib markii Sheekh Al Azhar, Axmed Al Tayib, uu ka hadlay arrimo ku saabsan islaamka iyo dadka muslimiinta ah.

Sheekh Axmed Al Tayib ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka kaga hadlay in khatarta ka dhalan karto in magaca Islaamka lala xiriiriyo falalka argagixisada ah.

“Oraahdan waa mid laga been sheegay oo lagu khayaanayo dad badan, waxayna dhibaato u horseeday dad badan oo ay muslimiinta ka mid yihiin. Xaqiiqada waxay tahay in muslimiinta ay arrintaas dhibane u noqdeen”, ayuu yiri

Dadka isticmaala Twitter-ka waxay sheegayaan in hadalka Sheekh Al Azhar uu jawaab u yahay muuqaal dhawaan uu soo duubay muftiga guud ee Masar, Showqy Callaam, oo farriintiisa ay sababtay hadal heyn badan, dadka qaarna waxay ku tilmaameen ‘hadal siyaasadeysan’.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Showqy Callaam wuxuu yiri: “Tirada dadka Yurub ee ku biiraya kooxda ISIS ayaa sare usii kaceysa oo waxay gaartay ku dhawaad kala bar dadka muslimiinta ah ee ku noolaa halkaas labadii jiil ama saddexdii jiil ee lasoo dhaafay”.

 

Wuxuu Showgy intaas ku daray: “Inta badan ha’yadaha islaamka guud ahaan caalamka gaar ahaan kuwa wata ajandaha Ikhwaanka ama kuwa aan aheynba, ayaa si weyn loo maalgeliyaa, waana arrimo lagu kala aragti duwan yahay, waxayna Islaamka u horseedayaan arrimo xun.”

Ka bood YouTube boggan, 1

Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan 

Aragti kala duwaanshaha ku aadan arrintani

Dadka isticmaala baraha bulshada ee dalka Masar ayaa ku kala aragti duwan hadalkan.

Waxay qaarkood dhaleeceen u jeediyeen bayaanka ka soo baxay muftiga Masar oo ay ku eedeyeen in uu leeyahay ajandeyaal siyaasadeed oo ay dabada ka riixeyso dowladda Masaarida oo ka dhan ah ururada mucaaradka sida Ikhwaanul Muslimiin.

Ka bood Twitter boggan, 2

Dhammaadka Twitter boggan, 2

Dadka qaar waxay u arkaan bayaankaas “Mid aan ka turjumeyn xaqiiqada”, waxay intaas ku dareen in qof kasta oo muslim ah uu waajib ka saaran yahay ka hortagga dhibaatooyinka uu kala kulmaya arrimaha argagaxisada.

Muranka ‘siyaasadda ah’

Xarunta fatwada ee Masaarida waa meesha sida weyn loogu dhaliilo inay ku lug leedahay arrimo siyaasadeed, waxaana horraan loogu eedeeyay in ay la safaneyso dowladda Masar isla markaana ay la mowfiq yihiin xukuumadda.

Dadka wax ku qora baraha bulshada waxay sheegayaan in sare uu u sii kacayo khilaafka ka dhex taagan labadan ha’yadood – waa xarunta fatwada Masar iyo Al Azhar.

Ka bood Twitter boggan, 3

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM