GAAROODI NEWS NETWORK

Maxaa iskuulkan loogu eedeeyay in uu “Argagixinayo” ardeyda?

Ardey wax ka baraneyso iskuul ku yaalla MasarArdey wax ka baraneyso iskuul ku yaalla Masar

Dadka isticmaala baraha bulshada Masar ayaa si weyn u hadal hayaa warka ku saabsan in ardey u dhalatay dalkaas lagu khasbay inay xijaabka xirtaan marka ay tegayaan iskuul lagu barto luqadaha oo ku yaalla deegaanka Belbeys oo ka tirsan gobolka Sharqiya.

Dhacdadan ayaa soo ifbaxday kaddib markii gabadh lagu magacaabo Lamyaa Ludfi ay boggeda Facebook kaga sheekeysay arrin qabsatay gabadh yar oo 13 sano jir ah oo lagu hanjabay in aanay iskuulka imaan karin, waa haddii aysan soo xiran xijaabkeeda.

Lamyaa waxay sheegtay: “Maamulka iskuulka ayaa gabadha ku wargeliyay in aysan imaan karin iyadoo xijaab la’aan ah. Iskuulada dowladda waxay noqdeen hanti gaar ah oo ay leeyihiin macalimiinta iyo maamulka isla markaana ay ardeyda ka hor istaagayaan in ay tegaan iskuulka”.

Ololaha ka dhanka ah in gabdhaha ardeyda ah lagu khasbo xijaabka

Kiiskan ayaa muran xooggan ka dhex dhaliyay dadka baraha bulshada isticmaala ee Masar. Dadka u ololeeyo xuquuqda dumarka ayaa bilaabay olole ka dhan in gabdhaha ardeyda ah lagu khasbo in ay xirtaan xijaabka marka ay iskuulka tegayaan.

Dadka qaar waxay dhacdadan ku tilmaameen “Argagax dhanka maskaxda ah”

Marwa oo ka mid dadka isticmaala baraha bulshada ayaa tidhi: “Waa argagixin in gabadha lagu yidhaahdo waa in aad xijaabka xirataan marka aad wax baraneysaan. Waxaan ku rajo weyn nahay in dowladda Masar ay ogaan doonto in gabdhaha ardeyda ah lagu khasbo inay xirtaan xijaabka marka ay iskuul joogaan, arrintaas waa faquuq, takoor iyo waxyeelleen loo geysanayo gabadhaha, waana caado iskuullada dowladda ka taagneyd 30-kii sano ee la soo dhaafay, waana mid sii jirta”.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Golaha Qaranka ee haweenka

Golaha qaranka haweenka oo ay hogaamineyso Maya Morsi ayaa shaaca ka qaaday in dacwad ay u gudbiyeen wasaaradda waxbarashada ee Masar si arrintaas wax looga qabto.

“Golaha qaranka ee haweenka Masar oo ay horkaceyso Maya Morsi waxay dacwad u gudbiyeen Taariq Shawqi oo ah wasiirka waxbarashada Masar, waxaana dacwadda ka mid ah, cabasho ka soo baxday hooyada dhashay gabadh wax ka dhigata iskuul ku yaalla deegaanka Belbeis. Waxay dhibaato soo gaartay gabadhaas kaddib markii macalimiinta iskuulka ay ugu hanjabeen ayna ku khasbeen xijaabka ayna aragagax geliyeen si uu soo qaadato xijaabkeeda,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay golaha qaranka ee haweenka.

Waxay intaas ku dareen “In macalimiinta ay ku anddacoonayaan in xijaabka uu ka mid yahay dareeska ardeyda”.

Maya Morsi waxay ka codsatay wasaaradda waxbarashada Masar in sida ugu dhakhsiyaha badan ay xaaladda u soo farageliso si loo baaro waxa dhacay.

Ka bood Twitter boggan, 2

Dhammaadka Twitter boggan, 2

Dadka qaar ee isticmaala baraha bushada waxay gebi ahaanba diidanaayeen in Golaha Haweenka Qaranka uu isticmaalka ereyga “Argagax gelinta” oo dhacdada uu ku tilmaamay.

Dhanka kale, ku-xigeenka wasiirka waxbarashada Masar, Ridaa Xijaazy, ayaa ka hadlay dhacdan wuxuuna yiri: “Xijaabka iyo dareeska ardeyda wax xiriir ah kama dhexeeyo”.

Xijaazy wuxuu warbaahinta gudaha u sheegay: “Wasaaradda waxbarashada wax faragelin ah kuma sameyneyso xijaabka gabdhaha ardeyda ah, arrintaas ma ahan mid khasab ah, macalimiinta iyo maamulada iskuulka wax waajib ah kama saarno inay soo farageliyaan arrinta xijaabka”.

Wasiirka wuxuu amar ku siiyay laanta waxbarashada ee Sharqiya in ay bilowdo baaritaan ku aadan gabadha ardeyda ah ee lagu khasbay inay xijaabka soo qaataan marka ay tegayaan iskuulka

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM