telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Tahriibayaal Doon ay la degtay oo faraantigooda arooska badda laga helay

Sawirka Faraantiga badda laga dhex helaySawirka Faraantiga badda laga dhex helay

Markii kooxaha gurmadka iyo samatabixinta ay badda Mediterranean-ka ka heleen labo faraanti oo ah kuwa arooska, waxay u maleynayeen in dadkii lahaa ay badda ku dhinteen.

Shaqaalahani gurmadka ayaa faraantiyadani oo boorso yar ku jiray islamarkana aan wali degin oo dhinac ka quusay ka helay meel ay dooni ku degtay halkaasi oo ay 5 qof ku dhinteen.

Balse waxay sawiradan la wadaageen shaqaalaha gargaarka ee ku sugan Taliyaaniga, kuwaasi oo muhaajriintii badda ka soo gudbay waydiiyay.

Waxaa la yaab noqotay, in la helo dadkii iska lahaa labadan Faraanti.

Waxay noqdeen lamaane dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Algeria.

Lamaanahaasi oo lagu kala magacaabo Axmed iyo Doudou oo aad ugu farxay arrintan ayaa imika lagu wadaa in loo geeyo faraantiyadooda oo ay markii hore ka samreen islamarkana u haysteen inay lumeen.

“Markii aan sawirka baahiyay uma maleynayn in la helayo ciddii boorsadani iska lahayd,” waxaa sidaasi u sheegay BBC Axmad Al Rousan, oo dhanka dhaqanka kala shaqeeya hay’adda MSF ee ka howlgasha Taliyaaniga.

“Waxaan sidoo kale ku fikirayay in qofkii lahaa uu ku dhintay badda Mediterranean-ka.”

Mr Al Rousan ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa koox dhanka maskaxda ka taageeyreysay Axmed, xaaskiisa Doudou iyo 13 qof oo kale, ka dib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay jasiiradda Lampedusa 21 October.

Lamaanahani oo la sheegay inay ku jiraan da’da labaatameeyada ayaa ku noolaa dalka Liibiya, balse duruufaha ayaa waxay ku qasbeen inay safar halis ah u soo galaan dalalka Yurub, maadaama Liibiya ay halis ka jirtay.

Markii ay badda ku jireen 48 saacadood ayaa waxaa degtay doontii ay la socdeen.

Shilkaasi ayaa waxaa ku dhintay 5 qof oo uu ka mid ahaa gabadh jirtay 18 bilood.

Axmed iyo xaaskiisa Doudou, oo magacyadooda oo saddaxan aan wali la shaacin ayaa waxaa soo badbaadiyay rag kaluumeysato ahaa.

“Waxaan si toos ah ula hadlay Axmed, waxaa uu bilaabay in uu ii sharxo faraantiyada iyo sababata ay boorsada ugu rideen,” ayuu yiri Mr Al Rousan.

Faraantiyadan ayaa la sheegay inay jabeen, balse lamaanahani ayaa doonaya inay Yurub ku hagaajiyaan, ayuu intaa ku daray.

“Axmed aad ayuu u qiirooday, aad ayuuna ugu farxay in faraantiyadiisa la helo , waxayna u ahaayeen wax gaar ah.Dhar iyo qalab kale oo badda laga dhex helay

Mr Al Rousan oo ka mid ah shaqaalaha hay’adda MSF ayaa sheegay in markii ay dadka tuseen sawirka Faraantiyada in uu aamini waayay “suurtagalnimada in la helay”

Lamaanahani iska lahaa Faraantiyadani ayaa la sheegay in wali ay ka muuqato cabsidii ay ka qaadeen doontii la degtay ee ay asxaabtooda ku dhinteen

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom