telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Xisbiga Wadani Oo Kulan Layeeshay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Maroodijeex + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Md Xamse Ciise Cabdi Ayaa Kulan Kula Yeeshay Xarunta Xisbiga Waddani Ee Gobolka Maroodijeex  Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Maroodijeex

Kulankan Uu Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Md Xamse Ciise Cabdi Uu La Yeeshay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Ayaa Wuxuu Kusaabsanaa Wacyigalinta  Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Doorashada Somaliland

Munaasibadaasi Uu Gudoomiyuhu Uula Yeeshay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Maroodijeex Ayaa Waxaa Kuwehelinaayay Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Iyo Degmooyinka Xisbiga Waddani Axmed Xaaji Cumar (xamarje) Xoghayaha Qorshanta Xisbiga Waddani Bashiir Cabdi Xariir Iyo Xoghayaha Gobolka Maroodi Jeex Mawliid Muuse Dacar

Kulankan Saaka Kadhacay Xarunta Gobolka Maroodijeex Ayaa Gabagabadii Waxaa Laga Wadahadlay Sidii  Sidii Loo Dardargelin Lahaa Udiyargarawga Diiwangelinta Codbixiyaha Oo Dhawaan Kabilamaysa Gobolka Maroodijeex

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom