telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Masuuliyiin ka Tirsan Xisbiga KULMIYE oo Borama kaga Qaybgalay Bilowga Diiwaangelinta, Kormeerna ku Sameeyey sida Dadku isku Diiwaangelinayaan

Boorama (Gaaroodinews)- Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga KULMIYE, ayaa maanta magaalada Boorama kaga qaybgalay bilowga diiwaangelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka ee aan hore u diiwaangashaynayn ee Gobolka Awdal.
Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminayey Guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo ay wehelinayeen Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Ibraahim Axmed Raabi, Afhayeenka xisbiga Md. Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), waxay iyaga iyo madaxda labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI si wadajir ah uga qayb qaybgaleen bilowga diiwaangelinta Codbixiyayaasha magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, si bulshada ay ugu wacyigeliyaan muhiimada diiwaangelintani mar kale leedahay.
Waxa kaloo masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ay kormeereen goobaha loogu talogalay in dadweynaha laga diiwaangeliyo ee gudaha degmada Boorama si ay u qiimeeyaan qaabka hawshu u socoto iyo sida dadku isku diiwaangelinayo, waxanay hadallo ay u jeediyeen shacabka ugu baaqeen inay is-diiwaangeliyaan oo ay ka faa’iidaystaan maalmaha kooban ee loo qorsheeyey inay shaqadu ka socoto Gobolka.

 

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

 

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom