telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Beesha Cabdiciise Iyo Bahihiisa Oo Sicad Ushaaciyay In Siciid Cabdisamed (Siciid Cudhay) Uu Yahay Musharaxa Rasmiga Ah Ee Beeshooda Umatali Doona Doorashada Golaha Deegaanka + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews)Munaasibad Balaadhan Oo Hadhimo Sharafeed Ah Oo Ay Soo Qabanqaabiyeen Waxgaradka Iyo Aqoonyahanka Iyo Labeenta Beesha Cabdiciise Iyo Bahihiisa Ayaa Waxaa Ay Kushaaciyeen Isla Markaana Ay Cod Dheer Kusheegeen In Beeshoodu Uu Usharaxan Yahay Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed (Siciid Cudhay)

Waxgaradka Iyo Aqoonyahanka Beesha Cabdiciise Iyo Bahihiisa Ayaa Waxa Ay Qaadaceen Isla Markaana Waxba Kamajiraan Kutilmaameen Shir Dhawaan Kadhacay Magaalada Hargeisa Oo Lasheegay Inlagu Shaaciyay Musharaxiin Aan Beesha Kalsoonideeda Haysan Isla Markaana Gacanku Rimis Ah Oo Aanloo Dhamayn Isla Markaana Beesha Ay Hore Iskugu Raacday Musharaxiin Umatala Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanka

Hadhimo Sharafeedan Oo Uu kasoo Qaybgalay Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir  Ayaa Waxaa Beesha Uukasoo Jeedo Musharax Siciid Cabdisamed Cudhay Ay Kaga Dhawaaqeen Isla Markaana Isku Raaceen  In Musharaxu Uu Kaligii Utaaganyahay Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Isla Marakaana Aanay Beeshu Lahayn Musharax Kale Oo Doorashada Kumatalaaya Beel Ahaan Magacooda

Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Oo Madasha Kahadlay Ayaa Sheegay Inay Beel Ahaan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Usoo Xuleen Musharax Siciid Cudhay Isla Markaana Aanu Jirin Musharax Kale Oo Ay Beeshu Leedahay

Suldaanka Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Beelaha Walaalaha Ah Ee Cabdiciise Iyo Bahihiisu Ay Waqti hore Xuleen Musharaxiinta Beeshooda Umatali Doona Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanka

Xaaji Cabdi Oo Kamid Ah Odayaasha Beesha Cabdiciise Oo Isna Madasha Kahadlay Ayaa Isna Dhankiisa Cod Dheer Kusheegay In Beeshu Leedahay Musharaxiin Umatali Doona Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanka Isla Markaana Aanu Jirin Musharax Kale Oo Magaca Beesha Kumatali Kara Doorshada Waxaanuu Baaq Udiray Beelaha Kale Ee Beesha Inay Kudaba Saftaan Musharaxooda

Xaaji Cabdi Waxaa Kale Oo Uukudaray In Muddo Laga Joogo Sideed Sanno In Beelaha Cabdiciise Ay Isku Raaceen In Doorashada Golaha Deegaanka In Uu Umatalo Musharax Siciid Cudhay Musharax Kalena Beel Ahaan Aanay Aqbalayn

Waxaa Iyaguna Madasha Kahadlay Waxgarad Iyo Aqoonyahan Kale Oo Kasoo Jeeda Beesha Cabdiciise Kuwaasoo Dhamaantood Cod Dheer Kusheegay In Beeshoodu Isku Raacday In Musharax Siciid Cudhay Uu Kumatalo Beel Ahaan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa

Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed Siciid Cudhay Ayaa Ah Siyaasi Bisil Oo Siyaasada Somaliland Inbadan Kusoo Jiray Isla Markaana Waxwayn Kabadali Kara Hanaanka Horumarka Caasimada Hargeisa Waxaana Shacabwaynaha Caasimada Hargeisa Kudhaqani Ay Siwayn Usoo Dhaweeyeen Musharaxnimada Xildhibaanka Oo Ay U Arkaan Inuu Yahay Masuulkii Ay Caasimadu Tabaysay

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom