Hargeisa(Gaaroodinews) Wasiirku Kuxigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Md Naasir Caydiid Mohamed Ayaa Sheegay In Musharaxiinta Ay Isku Raacaan Beeluhu Ay Yihiin Musharaxiinta Rasmiga Ah Ee Umatali Doona Doorashooyinka Somaliland Isla Markaana Wasaarad Ahaan Aanay Aqbali Doonin Musharaxiinta Lagarab Eryo Musharaxiinta La Isku Raaco Ee Rasmiga Taasoo Uu Sheegay Inay Amniga Wax Udhimayso
Wasiirku Kuxigeenka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Taageero Umuujiyay Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed ( Siciid Cudhay ) Oo Ay Maanta Beeshiisu Shaacisay Inuu Yahay Musharaxa Rasmiga Ah Ee Beesha Cabdiciise Umatali Doona Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Ay Beeluhu Usoo Gudbiyaan Musharaxa Ay Isku Raacaan Isla Markaana La Ogolaan Doonin Musharaxiinta Lagarab Eryo Musharaxiinta Rasmiga Ah Ee Ee La Isku Raaco Iyaga Oo Ka Hortagaaya Amni Daro Iyo Qalalaase Kadhalan Kara Arinkaas