telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland Oo Yeeshay Kalfadhigoodii 70Aad Kana Hadlay Arimaha Doorashooyinka

Hargeisa(Gaaroodinews) Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Falanqeeyey Arrmaha Doorashooyinka Dalka Kusoo Foolka Leh .
Fadhigii 70aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagu lafo-guray arrimaha doorashooyinka wakiillada iyo degaanka ee dalka ku soo fool leh.

Ugu horrayn waxa uu Golaha wasiirradu usoo jeediyey golaha guurtida inay is waafajiyaan waqtiga ay Komishanka doorashooyinka qaranku u cayimeen inay ku qaban karaan doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka oo ah 31-05-2021 iyo go’aankooda.

Sidoo kale goluhu wuxuu saddexda xisbi qaran u soo jeediyey inay si wada-jir ah u fuliyaan shuruucda doorashooyinka, gaar ahaan shuruudaha murrashixiinta, murrashixiintuna ay dhinacooda soo gudbiyaan qoraallo muujinaya inay u hoggaansamayaan sharciga doorashooyinka. isagoo goluhu usoo jeediyey Komishanka doorashooyinka qaranka inay murrashixiinta ku ilaaliyaan shuruudaha xeerka doorashooyinku tilmaamay. Waxaanu Goluhu warbaahinta dalka usoo jeediyey inay bulshada usoo bandhigaan xeerka doorashooyinka gaar ahaan labada doorasho ee foodda inagu sooo haya.

Ugu danbayntiina Goluhu waxa uu laamaha Amniga ee dalka ku adkeeyey inay xoojiyaan Amniga qaranka, inta lagu jiro u diyaar-garowga doorashooyinka illaa maalinta la dhamaystirayo hawlaha doorashooyinka, siina laban-laabaan dedaalkii ay horeba ugu jireen. Guddi-hoosaadka siyaasadda ee golaha wasiirraduna hubiyaan fulinta qodobbadaas, dersaanna wixii caqabad ah ee ka iman kara, si loo xalliyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom