telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Sawirradii Ugu Cajiibsanaa Caleema Saarka Joe Biden

Joe Biden ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynihii 46-aad ee Mareykanka – waxaan idiin soo gudbineynaa qaar ka mid ah sawirradii laga soo qaaday maalintii caleema saarka.President Biden sits at his desk in the Oval OfficeMadaxweyne Biden oo dhex fadhiya Xafiiska Oval ee Aqalka Cad kahor inta uusan saxiixin 15 amar sare ah oo lagu xoojinayo sida ay dowladdu wax uga qabaneyso coronavirusPresident Biden speaks to dozens of people in a video conferenceMadaxweyne Biden iyo dadkii loo soo magacaabay maamulkiisa

Madaxweyne Joe Biden oo gacan haatinaya taageerayaashiisa kahor inta isaga iyo Marwada Koowaad Jill Biden aysan gelin Aqalka CadVice President Kamala Harris waves ashe walks with Second Gentleman Doug EmhoffMadaxweyne ku xigeenka Kamala Harris iyo Mudanaha Labaad Doug Emhoff oo iyagoo qoyskooda la socda lugeynaya Waddada Pennsylvania ee hormarta Aqalka CadJoe Biden is sworn in as the 46th US PresidentGoor hore Arbacadii, Joe Biden ayaa waxaa madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka u dhaariyay xaakimka sare ee Maxkamadda ugu Sarreysa Mareykanka John Roberts, iyadoo xaaskiisa Jill ay garab joogtoKamala Harris is sworn in as Vice PresidentKamala Harris waxaa loo dhaariyay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka iyadoo seygeeda Doug Emhoff uu garab taagnaaPresident Biden places his hand on a large BibleMadaxweyne Biden oo ku dhaaranaya kitaabka Bible-ka oo ay qoyskiisu heysteen tan iyo sanadkii 1893President Biden gives his inaugural speechKaddib markii la dhaariyay, Madaxweyne Biden ayaa jeediyay hudbaddiisa, isagoo yiri: “Waxaan mar kale barannay in dimuqraaddiyaddu ay qaali tahay. Dimuqraaddiyaddu waa mid nugul xilligaanna, saaxiibbadeydow, dimuqraaddiyadda ayaa awood yeelatay.” Intii uu khudbada jeedinayay, Biden ayaa daqiiqado aamusnaan ah amray si loogu duceeyo dadkii u dhintay xanuunka safmarka ah ee Covid-19President Biden signs documents with Vice President Kamala Harris by his sideGudaha Capitol, Madaxweyne Biden ayaa saxiixay magacaabidda golihiisa wasiirradaPresident Joe Biden and Vice President Kamala Harris lay a large wreath togetherMadaxweyne Joe Biden iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris oo ka qeyb galaya xaflad baroor diiq ah oo lagu qabtay Qabuuraha ArlingtonPresident Joe Biden and First Lady Dr Jill Biden walk up to the White HouseMadaxweyne Joe Biden iyo Marwada Koowaad Dr Jill Biden oo iyagoo gacmaha is heysta sii galaya Aqalka CadPresident Joe Biden and First Lady Dr Jill Biden embrace outside the White HouseLammaanaha oo ku faraxsan Aqalka Cad, oo noqon doona gurigooda afarta sano ee soo socotaAmanda Gorman reads her poem at President Biden's inaugurationQoraa Amanda Gorman oo caleema saarka ka jeedineysa gabaygeeda Buurta aan ka BoodnoLady Gaga oo ku heeseysa heesta astaanta qaranka ee MareykankaJennifer Lopez gestures to Kamala HarrisFannaanadda Jennifer Lopez, oo waqti la qaadaneysa Kamala Harris. Lopez ayaa ku heestay Dhulkan waa Dhulkaaga Ameerikana way Qurux badan tahayPresident Donald Trump and First Lady Melania Trump wave from Air Force OneIyadoo Joe Biden uu isku diyaarinayay dhaarinta, madaxweynaha xilka ka sii degayay Donald Trump iyo marwada koowaad Melania Trump ayaa gaaray garoonka Palm Beach International Airport ee Florida, iyagoo ku sii jeeda hoygooda Mar-a-LagoPresident-elect Joe Biden stands alongside Jill BidenBiden iyo xaaskiisa oo sawir laga qaaday markii ay yimaadeen caleema saarkaVice President-elect Kamala Harris waves to the crowdKamala Harris iyo seygeeda Doug Emhoff oo u gacan haatinaya taageerayaasha xilli ay yimaadeen xafladda caleema saarka. Harris waxay xirneyd dhar kalarka purple-ka ah, oo gudaha Mareykanka looga yaqaanno inuu yahay astaan muujineysa waddaniyadFormer President Barack Obama and former first lady Michelle Obama arrive at the inauguration whilst wearing masksMadaxweynihii hore Barack Obama marwadii koowaad ee hore Michelle Obama ayaa ka mid ahaa martidii caleema saarkaBill Clinton and Hillary Clinton walk down steps together to find their seatMadaxweynihii hore Bill Clinton ayaa sidoo kale la yimid xogahayihii hore ee arrimaha dibadda Hillary ClintonFormer President George W. Bush and former First Lady Laura Bush are shown their seatsMadaxweynihii hore George W. Bush iyo marwadii koowaad ee hore Laura Bush oo la tusinayo kursigii ay fadhiisan lahaayeenPresident-elect Joe Biden and his wife Jill Biden attend a church serviceGoor sii horreysay shalay, Joe Biden oo ku sugan kaniisad ku taalla Washington DCDonald Trump and first lady Melania Trump depart the White House to board Marine OneDonald iyo Melania Trump oo ka baxay Aqalka Cad, siina raacaya diyaarad u gaar ah. Kama aysan qeyb gelin caleema saarka BidenJoe Biden and Kamala Harris, with their spousesJoe Biden iyo Kamala Harris, iyo lammaaneyaashooda, oo ku sugan National Mall, oo caadi ahaan ay taageerayaal badan joogi jireen, haddii uusan jiri lahayn xanuunkan safmarka ahUS National Guardsmen stand on a closed street outside the Capitol BuildingAmmaanka Washington oo aad loo sugay iyadoo 25,000 oo ciidan la geeyay kaddib weerarkii ay dadka ku dhinteen ee dhismaha CapitolA general view of the National Mall on the eve of the inaugurationMid ka mid ah dabaal degyadii caleema saarka, National Mall oo ku yaalla Washington waxaa lagu dahaaray calamo, taas oo wakiil looga noqonayo dadkii aan awoodin inay ka soo qeyb galaan xafladda sababo la xiriira xayiraadda Covid

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom