telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Dagaalka Beled Xaawo:- “Carruurteydu Waxaa Ay Kamid Ahaayeen 14 qof Oo Uu Madfac Dilay”

Beled Xaawo,

Ugu yaraan sideed carruur ah ayaa ku dhimatay dagaalka maanta ka dhacay degmada Beled Xaawo ee u dhexeeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo xooggaga Jubbaland.

Carruurtaas waxaa kamid ah saddex uu dhalay Cabdi Axmed Nuur oo ku magac-dheer Cabdi Afdheere. Cabdi oo BBC-da u warramay xilli uu ku sugnaa goobta lagu aasay ilmihiisa ayaa ka warramay sida ay wax u dhaceen.

“Markii salaada subax laga baxay ayuu madfaca ku dhacay guriga ay ku jireen. Aniga iyo laba caug oo aan dhalay waxaan ku jirnay guri kale. Markii uu madfaca dhacay ayaan u tegay, waxaana halkaa ku jiray 20 qof oo 14 kamid ah ay goobta ku dhinteen. 14-kaas ayay carruurteyda ku jireen,” ayuu yiri Aabe Cabdi.

Waxa uu sheegay in saddexdiisa canug ay kala ahaayeen laba gabdhood iyo wiil, da’dooduna u dhexeyso 8 jir illaa 12 jir.

Mar la weydiiyay inuu garanyo halka uu madfaca ka soo dhacay ama cidda soo riday ayaa waxa uu aabahan musiibadu haleeshay yiri: “Labada dhinacba madfac wey ridayeen, anigu ma garanayo mid ku dhacay iyo cidda soo riday.”

Dhibaatada ku dhacday Cabdi intaa kuma eka oo waxaa uu dhaawac culus soo gaaray xaaskiisa iyo gabar kale oo uu dhalay.

“Dhaawacooda aad buu u daran yahay. Hooyadood gacmaha ayay ka jaban tahay, madaxana firir ayaa ka gaaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Cabdi ayaa sheegay inuu yahay qof naafo ah oo horay ugu dhaacawmay rag hubaysan oo uu kala celinayay, haddana uu biro ku socdo.Dagaalka Beled Xaawo.Firirka madfac la sheegay inuu ku dhacay guri ku yaal Beled Xaawo.

Xaaladda Beled Xaawo ayaa lagu soo warramayaa inay hadda deggan tahay, kadib markii uu joogsaday dagaalkii socday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka adkaatay ciidanka Jubbaland, isla markaana ay maxaabiis badan ka qabatay.

Hase yeeshee, Jubbaland ayaa ku dooday in ciidankeeda lagu soo weerarray fariisin ay ku lahaayeen duleedka degmada, sidaas darteedna uu dagaalka ku baahay gudaha magaalada.

Jawaabta Kenya

Dowladda Kenya oo warqad ku saabsan dagaalka Beled Xaawo u qortay gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda magaaladaas.

“Walaaca ugu weyn ee aan qabno ayaa ah in dagaalka soo cusboonaaday uu horseedi karo barakac baahsan oo gudaha Soomaaliya ah iyo dadka u qaxaya xeryaha Kenya,” ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibedda ee Kenya.

Soomaaliya ayaa horay ugu eedeysay xukuumadda Nairobi inay gudaha dalkeeda ku abaabulayso maleeshiyo duullaan ku ah Beled Xaawo, eedeyntaas oo ay si weyn u beenisay Kenya.

Dagaal ciidanka dowladda Federaalka iyo xooggaga Jubbaland bishii March 2020 ku dhexmaray Beled Xaawo ayaa reebay khasaaro aad uga yar kan maanta dhacay

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom