telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Musharax Cabdinaasir Qodax Oo Goob Fagaare Ah Kala Hadlay Shacbiga Reer Hargeisa Oo Maanta Isu Soo Bax Dhigay + Muuqaal

Murashax QODAX oo Meel Fagaare ah Kala Hadlay shacbiga reer Somaliland oo Maanta Isu-soo-bax Dhigay

Hargeisa(Gaaroodinews)Ku xigeenka Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID Ahna Murashaxa Doorashada Golaha wakiillada Ee Gobolka Maroodijeex Md. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) Ayaa Maanta Fagaaraha Beerta Xorriyada Ee Hargeysa Kala Hadlay Boqolaal Kamid Ah Shacbiwaynaha Magaalada Hargeisa Oo Isugu Soobaxay Banaanbax Lagu Maamuusaayay Xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland ee 20ka February  Isaga Oo Fariin U Diray Shacbiga Reer Somaliland.

Xuska Maalintan Loo Asteeyey Maalinta Dhalinyarada Somaliland Oo ku suntan 37 sanno kahor maalintii dhagaxtuurka ay reer Hargeysa kala hortageen xadhigii ururkii aqoonyahanka ahaa ee UFFO 1982,

Murashax Cabdinaasir Yuusuf Qodax Ayaa Shacabkii Iskusoo Baxa Sameeyay Usharraxay Midhaha ka dhashay halgankii ay dhalinyaradii UFFO qaybta ka ahaayeen ee naf iyo maalba loogu huray dib ula soo noqoshada qaranimada somaliland, isaga oo intaa ku daray in halgankii aanu weli dhammaan ee maantana uu halgan kale inna sugay kaasi oo ah kamidho dhalinta dimuqraadiyada iyo codbixinta doorashooyinka innagu soo foolleh, taasoo u baahan yahay in shacbigu gunta dhiisha isaga xidho.

Sidoo kale Xoghaye Naasir Yuusuf Cismaan waxa uu goleyaasha qaranka u soo jeediyey in maalinta 20ka February loo aqoonsado maalin qaran oo fasax laga wada yahay shaqooyinka sida maalmaha kale ee xorriyada.

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom