telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Wafti Kasocda Sideed Safaaradood Oo Beesha Caalamka Ah Kulan Layeeshay

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Wafti Kasocda Sideed Safaaradood Oo Beesha Caalamka Ah Kulan Layeeshay

Hargeisa(Gaaroodinews) Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Ee Ucid Eng. Faysal Cali Xuseen iyo Madax kale oo Xisbiga ka tirsan’ayaa Ayaa Xafiiska xarunta dhexe ee Xisbiga Ucid Uu Hargeysa ku Leeyahay Ku Qaabilay Isla Markaana Shir gaar ah kula qaadanaya Madax ka socota Waddamadda Beesha Caalamka ah gaar ahaan Qunsuliyaddaha Siddeed Safaaraddood oo Waddamadda reer Galbeedka ee Daneeyayaasha Arimaha Doorashooyinka iyo Dumquraadiyadda Somaliland ka taageera oo Hargeysa u yimid arimaha Diyaar garoowga Doorashooyinka Soo socda inay Xukuumadda Somaliland iyo Axsaabta qaranka kala Xaajoodaan in wixii qabyo ah la dhamaystiro gaar ahaan waxa kulankani daaran yahay arimaha Saamiga Doorashooyinka ee Beelaha la Haybsoco iyo Kootadda Haweenka ee Doorashooyinka.

Wufuuddan Sideeda Safaaraddood ee Waddamadda Beesha Caalamka ee Somaliland Arimaha doorashooyinka Iyo Dumquraadiyadda ka taageera ee Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe uu Xafiiskiisa Saaka ku qaabilay kulana Ahiray ayaa kala ah’ Safiiradda Waddamo ay ka mid yihiin UK , Germany, Sweden, Denmark, EU, UN, AU.

Waxaana Shirkani Madaxda Beesha Caalamka iyo Hogaamiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Ku wehelinaayay Hogaanka sare ee Xisbiga UCID, Qaar ka mid ah musharaxiinta Xisbiga iyo Garabka Haweenka ee Xisbiga

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom