Burco(Gaaroodinews) Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Ayaa Magaalada Burco kaga qeyb-galay Xafladda Shaacinta Murashax C/Risaaq Ibraahim Cabdi (Cabdirisaaq Hero) Oo Utaagan Doorashada Golaha Deegaanka Burco iyo Murashax Faysal Yuusuf Jaamac Oo Utaagan Doorashada Golaha Wakiilada ee gobolka Togdheer
Xafladdan Ayaa Waxaa Kasoo Qeyb-galay Hogaanka Dhaqanka Deegaanka ay Murashaxiintani Kasoo JEedaan, Waxgarad, Dhalinyaro, Haween iyo Taageerayaal Buux dhaafiyay Hoolka wayn ee Hudheelka Daalo Ee Burco
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Kajeediyay Munaasibadaas Ayaa Labada Xisbi Ee Kale Ee Waddani Iyo Kulmiye Ku Eedeeyay Xisbiyo Qabiil
“Beesha C/raxman-cirro Murashaxiintoodi Way Uga Dhaarteen UCID, Abtiyaashayna Sagaal Murashax Ayay I Keeneen, Marka Waxaan Idin Sheegaya Wax Garxajis La Yidhaa Oo Shaqaynaya Ma Jiro, Xisbiga Qaran Ee Lawada Leeyahay Waa Xisbiga Ucid ..,” Guddoomiye Eng Faysal Cali Waraabe
Daawo Muuqaalka Warkaas :-