telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Oo Kawarbixiyay Tartanka Kooxaha Heerka 1aad Ee Gobolka Saaxil Oo Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Daahfurtay + Muuqaal/Sawiro

Berbera(Gaaroodinews) Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Ayaa Maanta Daahfuray Isku Aadka Tartanka Naadiyada Kooxaha Heerka 1aad Ee Gobolka Saaxil

Hadaba Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cabdirashiid Caydiid Yaasiin Ayaa Warbixiyay Tartanka Heerka 1aad Ee Gobolka Saaxil Inta Kooxood Ee Kaqaybgalaysa Xiliga Uu Bilaabmayo Tartanku Iyo Cida Maalgalisay

Agaasime Cabdirashiid Caydiid Yaasiin Oo Bartiisa Uu Bulshada Kala Xidhiidho Ee Facebook Kusoo Qoray Warbixintaas Ayaa Yidhi :-

” Maanta waxaa loo qori tuuray horyaalka kooxaha heerka 1aad Kubbadda cagta ee gobolka Saaxil oo dhan sideed kooxood, kaas oo bilaabmi doona 05.03.2021 oo ah maalinta jimcaha Ee beri. Tartanka ayaa waxa maalgeliyay dhamaan kharashka ku baxaya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxaana fulinaya Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland. Tartankan oo ay sideed kooxood is wada arki doonaan ayaa wuxuu soo gebo geboobi doonaa bilawga nisha afaraad we April, waxaanu la kooban yahay 28 ciyaarood. Dhamaan gobolada dalka ayaa laga fulin doonaa tartanka Horyaalada kubbadda Cagta ee kooxaha heer gobol, sidoo kale waxa Hada ka socda caasimada Hargeysa Horyaalada heerka 1aad, 2aad iyo 3aad ee kooxaha Kubbadda cagta heer qaran kaas oo socon doona tan iyo bisha sagaalaad we September. ” Agaasime Cabdirashiid Caydiid Yaasiin 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom