telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Gudida Heer Qaran Ee Cudurka Covid 19 Oo Tababar Uqabtay Gudiyada Heer Gobol Ee Gobolada Togdheer Sool Iyo Sanaag + Muuqaal

Burco(Gaaroodinews)Gudida Heer Qaran Ee Ladagaalanka Iyo Kahortaga Cudurka Covid 19 Ayaa Magaalada Burco Ugu Qabtay Tababar Gudiyada Heer Gobol Ee Cudurka Covid 19 Ee Gobolada Togdheer Sool Iyo Sanaag

Tababarkan Ayaa Lagaga Hadlaayay Dhibaatada Cudurka Coronaha Iyo Sidii Bulshada Reer Somaliland Looga Wacyigalin lahaa Isla Markaana Looga Hortagi Lahaa Khatarta Cudurka Corona Viruse

Waxaana Kasoo Qaybgalay Xoghayaha Gaarka Ah Ee Gudida Kahortaga Cudurka Covid 19 Xuseen Aadan Cige (Dayr) Maamulka Gobolka Togdheer Taliyaha Ciidanka Policeka  Gobolka Togdheer Gudiyada Heer Qaran Ee Sadexda Gobol Ee Sool Sanaag Iyo Togdheer

Ugu Horayn Tababarkaasi Waxaa Kahadlay Xoghayaha Gaarka Ah Ee Gudida Heer Qaran Ee Kahortaga Cudurka Covid 19 Md Xuseen Aadan Dayr Waxaanu Kawaramay Ujeedada Ay Tababarkan UQabteen  Iyo Muhiimada Uu Uleeyahay Gudi Ahaan Tababarkani Ay Uqabteen Gudida Heer Gobol Ee Cudurka Covid 19 Kaasoo Ah Inay Gudi Ahaan Ay Bulshada Kaga Wacyigalin lahaayeen Khatarka Cudurka

Xuseen Aadan Dayr Xoghayaha Gaarka Ah Ee Gudida Heer Qaran Ee Covid 19 Ayaa  Bulshada Reer Somaliland Ugu Baaqay Inay Ka Feejignaadaan Khatarka Cudurka Covid 19

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom