telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Xaflada Shaacinta Murashaxiinta Golaha Wakiilada Iyo Deegaanka Ee Gobolka Sool Ee Xisbiga Ucid Oo Lagu Qabtay Magaalada Laascaanood + Muuqaal/Sawiro

Laascaanood(Gaaroodinews) Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Ayaa Munaasibad Balaadhan Ku Shaaciyay Murashaxiinta Xisbiga UCID Ee Gobolka Sool Taasoo Kadhacday Magaalada Laascaanood

Waxaana Munasibadaasi kasoo Qeyb-galay, Hogaanka Sare ee Xisbiga Oo Uu Hormuud U Ahaa Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Ucid Siciid Axmed Cumar(Siciid-Ucid), Xoghayaha Arrimaha Dibadda Hibaaq Cali Maydhalaalis, Xoghayaha Warfaafinta Yuusuf Kayse C.laahi.

Sidoo kale, waxaa munaasibaddan ku Sugnaa Madax-dhaqamed Odayaal Taageerayal Tiro-badan Iyo Waxgarad kale.

Murashaxiintan ayaa kala ah, Prof Axmed Muuse Abyan Oo Utaagan Doorashada Golaha Wakiilada, Murashax Cabdilahi Caweer Oo Isna Utaagan Golaha Wakiilada, Murashax Maxamed Axmed Aflahar Oo Utaagan Doorashada Golaha Deegaanka Laascaanood
Iyo Murashax Axmed Cabdilahi Binow oo Utaagan Doorashada Golaha Deegaanka.

Murashax Abyan Oo Ah Musharaxa Ugu Cadcad Musharaxiinta Uu Xisbiga Ucid Soo Bandhigay Ayaa Ah Siyaasi Saamayn ku leh Gbolka Sool Isagoo Taageero Mug leh-na ka Haysta Waxgaradka Iyo Dhalinyarada Gobolkaasi

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom