telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Dagaal culus oo ka socda duleedka Boosaaso xilli Al-Shabaab ay maxaabiis badan furteen

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta gaaray magaalada BoosaasoMadaxweynaha Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso

Waxaa duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, oo ka tirsan maamulka Puntland ka socda dagaal hubka culus la isu adeegsanayo oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-Shabaab, sida ay saraakiil u sheegeen BBC-da.

Dagaalkan ayaa daba socday weerar ay xubno ka tirsan Al-shabaab xalay ku qaadeen Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay xabsiga Dhexe ee Boosaaso ka sii daayeen ilaa 400 oo maxbuus oo ka xirnaa. Xabsigan waxaa ku jiray xubno ka tirsanaa Al-Shabaab iyo daacish oo horay loogu riday xukunno kala duwan.

Intooda badan ayey maamulka Puntland sheegeen in lagu qabtay dagaallo Puntland iyo Al-Shabaab dhex maray 216-kii.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la qabtay

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Puntland ayaa BBC-da u xaqiijiyay in uu wali dagaal ka socdo dhulka buuraleyda ah, isagoo intaasna ku daray in ay 14 maxbuus ka qabteen Al-Shabaab.BoosoCiidamada Puntland ayaa howlgallo ka fuliyay xaafadaha Boosaaso

Dhinaca kale laamaha amniga ee Puntland ayaa howlgallo ka wada xaafado ka tirsan Boosaaso, waxaana sidoo kale ciidan lagu gadaamay xabsiga la weeraray, iyadoo tirokoob lagu sameynayo maxaabiista.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Boosaaso, halkaasoo uu u tagay u kuurgelida xaaladda amni ee magaaladda iyo guud ahaan Gobolka, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Deni ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha amniga ee gobolka Bari.

Xog badan lagama hayo inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay iyo dagaalka hadda socda ee u daxeeya labada dhinac.

Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa soo tabiyay in askar ka tirsan ciidanka Puntland lagu dilay weerarkaas oo loo adeegsaday araxyo iyo rasaas.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamuud oo warfidiyeenka kula hadlay Boosaaso ayaa xaqiijiyay in dabley hubeysan ay gudaha u galeen xabsiga, markii dambena halkaas la geeyay ciidamo gurmad ah oo dib u qabsaday goobta la weeraray.

Faahfaahin taliyuhu kama uusan bixinin khhasaaraha ka dhashay weerarka inkastoo laga soo xigtay in uu jiro khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom