telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Madaxweyne Deni Oo Sheegay In Alshabaab Maxaabiis Kala Baxeen Xabsiga Dhexe Ee Boosaaso

Madaxweyne Deni oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday xabsiga BoosaasoMadaxweynaha Puntland ayaa ku sugan magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in khasaare uu ka dhashay weerarkii lagu qaaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

“Dabcan khasaare waa dhacay maxaabiista qeyb kamid ah wey ku guuleystaan inay ka fakiyaan..waxaas Ilaahey mahaddiis ah in falkii dhacay lala sugin inta uu waaggu ka baryaayo oo laha daba tagay in badana laga soo qabtay qaar badana ay halkaas ku dhinteen”

Deni ayaa intaas ku daray in uu socdo howlgal lagu soo afjaryo weerarka isla markaana ay si buuxda uga warbixin doonaan marka lasoo gabagabeeyo.

Siciid Deni ayaa hadalkan sheegay xilli maanta uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso halkaas oo ay ciidamada ka wadaan howlgallo kadib weerarka Shabaab ay ku qaadeen xabsiga.

Dagaalkan ayaa daba socday weerar ay xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay xabsiga Dhexe ee Boosaaso ka sii daayeen ilaa 400 oo maxbuus oo ka xirnaa. Xabsigan waxaa ku jiray xubno ka tirsanaa Al-Shabaab iyo daacish oo horay loogu riday xukunno kala duwan.

Intooda badan ayey maamulka Puntland sheegeen in lagu qabtay dagaallo Puntland iyo Al-Shabaab dhex maray 216-kii

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom