telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Musharax Siciid Cudhay Oo Deeq Biyo Ah Gaadhsiiyay Deegaano Hoos Yimaada Caasimada Hargeisa + Muuqaal/Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews)Murashax Siciid Cabdisamad Ahmed (Siciid Cudhay) Oo Kamid Ah Musharaxiinta Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Ayaa Deegaano Ku Teedsan Duleedka Koonfureed Ee Caasimada Hargeysa Oo Abaar Baahsani ka Jirto Gaadhsiiyey 7 ba Booyadood Oo Biyo Ah Kuwaasi Oo Uu Musharaxu Ugu Tala Galay Dadwaynaha Kudhaqan Deegaanadaasi

Murashax Siciid Cabdisamad Axmed ( Siciid Cudhay ) Ayaa Magaaladda Hargeysa Ka Ambabixiyey Deeqda 7da Booyadood ah Ee Loogu Tala Galay Tuulayaasha Koonfurta Caasimadda Hargeysa ku yaala kuwaas oo kala ah Tuulooyinka
1- Maygaagta’

2- Toon’

3- Xadhig_Xadhig’

4- Masaajidka’

5- Sharmarke ‘

6- Maydhyaal’

7- #Garaabiido

Murashax Siciid Cudhay’ ayaa sido kale sheegay in Deeqda 7da Booyadood ee Biyaha uu deegaanadda Abaaruhu ka jiraan ee Duleedka Koonfureed ee Hargeysa ku yaala gaadhsiiyey waxa uu sido kale u balan qaaday in aanay noqon doonin Biyihii u dambeeyey ee ay balse uu marar kale oo Badan Gaadhsiin doono Biyo kale Deegaanadan iyo kuwa kale oo badan.

 

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom