telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Xoghayaha Golaha Wakiillada Oo Sharaxay Qodobada Lagu Majeerto Xisbiga Kulmiye Ee Uu Kaga Duwanyahay Xisbiyada Kale Ee Dalka

Xoghayaha Golaha Wakiillada Oo Sharaxay Qodobada lagu Majeerto Xisbiga Kulmiye Ee Uu Kaga Duwanyahay Xisbiyada Kale Ee Dalka

Berbera(Gaaroodinews) Xoghayaha Guud Ee Golaha wakiillada Somaliland Md Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Ayaa Xisbiga Talada Dalka Haya Ee KULMIYE  Ku Ammaanay In Uu Leeyahay Isla Markaana Xisbiyada Kale Dheeryahay Talo Wadaaga Guud Isu Tanaasul Dhexdiisa Ah Wakhtiyada Ay Yimaadaan Waxyaabo Lagu Kala Aragti Duwanyahay
Sidoo kale waxaa uu sheegay in xisbiga KULMIYE, lixdankii kursi ee uu ku lahaa golaha wakiillada uu ogolaaday in lagula tartamo. Dhanka kale waxaa uu tilmaamay in uu yahay xisbiga kaliya ee aanay is baddelin tirada golihiisa dhexe ee la yaqaano.
Xoghaye Cabdirisaaq isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Qaangaadhnimada xisbiga KULMIYE, waa mid muuqata, laba jeer ayuu hantay jagada madaxtinimada ee dalka. Waxaa lagu doortay waxaa weeyi, xisbiga KULMIYE dhexdiisa ayaa waxaa ka jira wada tashi, waxaa ka jira is qancin, waxaana ku badan qoodha, waanay isu soo noqdaan oo ma kala tagaan.
Xisbiga KULMIYE, waxaa weeyi waa xisbiga isaga oo xisbi Qaran ah oo soo baxay oo kursigii helay yidhi xisbinimadii halkaasi ayaan dhigayaaye ila tartama, waa xisbiga dhigay ee ogolaaday inay Dimuquraadiyadu kobocdo, golaha wakiillada lixdan kursi ayuu ku leeyahay, lixdanka kursi waxaa uu maanta ogolaaday in uu yidhaaho igula tartama.
Waxaa xisbiga kaliya ee la yaqaano tiradiisa golaha dhexe inta ay tahay, ee aan khaldami karrin, madaxweynuhu ma kordhin karro, guddoomiyaha golaha dhexe ma kordhin karro, waala yaqaana waxaanu ka kooban yahay degaanada Somaliland oo dhan.
Xisbiga KULMIYE laba jeer ayuu guddoomiye yeeshay, laba jeerna madaxweyne ayuu yeeshay, maantana doorashadu maaha hebelo halkan jooga ee waxaa tartamaya KULMIYE iyo laba xisbi Qaran”

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom